HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dagaal xoogan oo u muuqda mid qorsheysan lagana hortagayo furitaanka wadada 30-ka ee dhowaan ay ku dhawaaqday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goor dhoweyd ka qarxay wadadaas kaasoo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo Kooxaha ka soo horjeeda.

Wadada 30-ka oo ah wadooyinka ay dagaaladu ku xirmeen sanad ka hor ayaa isku dayga Maamulka Gobolka Banaadir garabka Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde u ahaa in ay furanto, isla markaana dadka ka barakacay ay dib ugu soo laabteen, gaadiidka dadweynaha uu bilaabo isticmaalka wadadaas.

Dagaalka ayaa ah mid haatan si toos uga socda Isgoyska Cali Kamiin iyo Furayaasha halkaasoo ay ku sugan yihiin Ciidamada Ethiopia, waxaana la maqlayaa Hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo ku dhacaya qeybo ka mid ah Xaafadaha Muqdisho.

Madaafiic Dhowr ah ayaa ku habsatay Suuqa Bakaaraha oo kaabiga ku haaya Wadadaas, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegayaan wararka halkaas aanu ka heleyno.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Ilaa saddex ruux ay ku dhimatay Madaafiicda ku socoto Suuqa Bakaaraha, waxaana dadka dhintay ay ahaayeen kuwo uu Madfac ku habsaday agagaarka Wadada 1aad ee Suuqa Bakaaraha

Lama oga ilaa iyo hada qasaaraha kala gaaraya dhinacyada halkaas ku diriraya, waxaana uu dagaalka ku soo beegmay, markii saaka halkaas dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen Ciidamada Ethiopia, taasoo aan la ogeyn in uu ku wajahnaa furitaanka wadadaas iyo in kale, waxaana labo maalmood ka hor ay aheyd markii halkaas uu booqday Ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur, taasoo uu ku sheegay in ay furan tahay wadada 30-ka.

Dagaalkan qorsheysan ee hada ka socda Wadada 30-ka ayaa sii fogeynaya rajada laga qabay inay furanto wadadaas oo furun dagaal u noqotay Kooxaha kacdoonka iyo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda ee is garabsanaya.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.