Maamul u sameynta Gobolka Banaadir oo ahaa meshii khilaafka madaxda dowlada ka bilaawday ayaa iminka timid in Maamul KMG ah loo sameeya gobolka Banaadir kaas oo loo magacaabay Ibrahim Sheik Muxudiin kadib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha.
Wareegtadaan ayaa dhamaan xilka looga qaaday madaxdii maamulka gobolka Banaadir oo uu Horkaacaayey guddoomiyaha gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa magalada Mudane Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere
Xaflad Xil wareejin iyo xil qaadisba isugu jirta ayaa ka dhacday Madaxtooyada oo ay ku wada sugnaayeen dhamaan maamulkii Gobolka Banaadir oo uu Maxamed Dheere laf ahaantiisa ka mid ahaa sidoo kale ayaa goob joog ay ka ahaayeen Madaxweyne Yuusuf & Rese wasaare Nuur Cadde
waxaana wareegtada lagu sheegay in Maamulka cusub ee gobolka Banaadir loo dhisay ay xilka heyn doonaan ilaa inta laga abaabulayo doorasho sidoo kale ayaa wareegada lagu sheegay in maamulka cusub aysan isu soo sharaxi karin xilka gobolka Banaadir oo la filaayo in golo deegaano la soo doortay ay doortaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir
waxa lagu war dhowrayo ayaa ah sida maamulkaan cusub uu ula jaan qaado siyaasada jaantaa roganka ah ee dalka ka jirta