Dagaal xoogan ayaa goor dhoweyd waxaa uu ka qarxay meel u dhow Garoonka Balli-doogle, halkaasoo Wado ka baxda ay aado Magaalada Baydhabo, waxaana la soo sheegayaa in Ciidamo Ethiopian ah uu dagaal xoogan ku qabsaday.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Ethiopianka oo kolonyo ku socda, qaarna lugeynaya ay wadada u galeen Xoogaga Hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana halkaas dubra ka bilowday dagaal la isku fara saaray.
Ciidamadan Ethiopianka oo shalay gelinkii dambe ka baxay Degmada Wanlweyn, kadib markii weeraro isugu jira Qaraxyo iyo kuwa toos ah lagu qaaday ayaa waxay wateen Meydad u sideen Magaalada Baydhabo si ay halkaas uga dhoofiyaan.
Lama oga qasaaraha uu geysanayo dagaalka, iyadoona Ciidamada ay ahaayeen kuwa gawaarida ka degay oo lugeynaya, waxaana gaadiidka qaar saarnaa Meydad looga dilay weeraro lagu qaadayay intii ay ku guda jireen socdaalka ay uga soo ambabaxeen Magaalada Muqdisho labo habeen ka hor