Sida ay qoreen Warbaahinta Magaalada Addis Ababa, Xukuumada Ethiopia ayaa u muuqata mid ku guuleysan la' xalinta khilaafaadka Madaxda Dowladda Federaalka u dhaxeeya, tan iyo markii ay dalkeeda ugu yeertay Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Meles Zenawi iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Seyoum Mesfin ayaa labadii maalmood la soo dhaafay kulamo gooni gooni ah la yeelanayay Madaxda Soomaalida, iyagoona ku mashquulsanaa sidii is faham iyo heshiis u dhex dhigi lahaayeen Labada Mas'uul.
Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa la soo sheegayaa in ay ku adkeysanayaan mowqifyadooda, waxaana dabacsanaan la doonayay inay muujiyaan ay u weeciyeen shuruudo adag oo ay ku xirayaan ka tanaasulka mowfiqyadooda.
Madaxweyne Yuusuf ayaa isago qaba hadii uu aqbalo xil ka qaadista Maxamed Dheere lagu sameeyay in lagama maarmaan ay tahay in booskooda lagu soo celiyo Wasiiradii is casilay ee uu booskooda buuxiyay Ra'iisul Wasaaraha.
Sidoo kale Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) wuxuu isna sharciga u cuskanayaa magacaabida wasiirada cusub, mar hadii Wasiiro ay is casilaan ay lagama maarmaan ay tahay in Wasiiro uu ku badalo booskooda, si Kooramka fadhiga Golihiisa Wasiirada uu u buuxsamo.
Arrimahan oo idin ayaa waxay keeneen in Xukuumada Ethiopia ay gacan ka taagto xalinta Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya oo ay dalkeeda ugu yeertay Maalinimadii Jimcaha, waxaana la sheegayaa in ay u gudbisay Midowga Afrika oo xaruntooda tahay Magaalada Addis Ababa si ay dhankooda u xaliyaan.
Lama oga sida ay ku dambeyn doonto Khilaafka u dhaxeeya Labada Mas'uul, waxaana Dowladda Ethiopia oo ah Hiilada ugu weyn ee dhanka Milateri Dowladda Soomaaliya, xilligan u muuqataa mid kari la' xalinta Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha