HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Inkastoo waabarigii saaka ay deganeyd Xaalada Magaalada Muqdisho, hadana waxay wax walba is badaleen wixii ka dambeeyay 11-kii Barqanimo ee maanta, waxaana meelo ka mid ah Magaalada is qabsaday Hugunka Madaafiicda iyo kuwa fud fudud.

Dagaaladan ayaa ka socda meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho, taasoo keentay in dad aad u fara badan ay walaac la soo darsaan, iyagoo ka baqdin qaba saameynta Madaafiicda la is weydaarsanayo.

Dagaal ayaa daqiiqado ka hor ka qarxay Isgoyska Florenca ee Degmada Wardhiigley, kaasoo ah kii ugu xooganaa ee aagaas ka dhaco mudooyinkan, waxaana dagaalka uu yimid markii Xoogaga Hubeysan ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen Ciidamada Dowladda ee halkaas fariisinka ku leh.

Madaafiicda xoogan ayaa bilaabatay Suuqa Bakaaraha, iyadoona Madaafiicda ay yihiin kuwo laga ridayo Xarunta Madaxtooyada oo fariisin u ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia.

Ilaa Labo Madfac ayaa ku habsatay Suuqa Bakaaraha agagaarka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud, waxaana la arkayaa qiic iyo uuro oo ka baxeysa gudaha Suuqa Bakaaraha.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.