Iska horimaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hooseLabo ruux ayaa ku geeriyooday labo kalena wey ku dhaawacmeen ka dib markii barqanimadii maanta duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose uu iska horimaad kooban ku dhexmaray kooxo burcad ah oo jidgooyo ay u tiilay koontroolka lagu magacaabo Sacmooje oo ku yaala wadada dhinaca galbeedka ka soo gasha magaaladaasi iyo ciidamo ka tirsan xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda DF.
Geerida labadan ruux iyo dhaawaca labaad kale oo intuba ka mid ahaa maleeshoiyooyinkii ay jidgooyadu u tiilay ayaa timid ka dib markii maleeshiyada ay iska dhega mariyeen amar uga yimid kooxaha ka soo horjeeda DF oo ahaa iney dhigaan hubka oo ka dibna ka tagaan goobta, taasoo keentay in tacshiirad kooban ay halkaasi ka dhacdo oo ayna ku geeriyoodaan labada nin ee maleeshiyada ah oo ka mid ahaa koox burcad ah lacago baad ah kaga qaadan jiray halkaasi gaadiidka safarka ee halkaasi mara, mararka qaarkood dhac iyo baarasho kula kici jiray dadka rakaabka ee la socda gaadiidkaasi
Talaabadan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose oo sheegay iney dhibaatooyin xoogan ku qabeen kooxdaasi burcada ah ee qaarkood maanta dilka iyo dhaawaca loogu geystay duleedka magaalada Kismaayo, waxaana wararka naga soo gaaraya gobolkaasi Jubada hoose ay sheegayana in maalmihii la soo dhaafay ay xoogaga ka soo horjeeda DF iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ay qaadeen jidgooyooyin badan oo yiilay deegaano ka tirsan kuwa hoos yimaada gobolkaasi ka dib markii ay ka eryeen maleeshiyooyinkii jidgooyooyinkaasi ay u yiileen