HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Sucuudiga & Masar oo ka wadahadlay arrrimo ay kamid tahay xaaladda Somalia

 

U adeegaha labada Xarameyn Boqor  C/della Binu C/casiis iyo Madaxweynaha dalka Masar Maxed Xusni Mubaarak oo maalintii shaley kulan ku yeeshay qasriga Altiin ee magaalada Alexandria ee dalka Masar ayaa ka wadahadlay xaaladaha Filistiin, Sudan, Somalia iyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Kulankaan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa kaqeyb galay dhanka sucuudiga wasiirka arrimaha dibadda ee sucuudiga Amiir Sucuud Alfeysal iyo xoghayaha guud ee golaha wadaniga Amiir Banadar binu C/casiis iyo mas’uuliyiin kale oo la socday boqor C/della, halka dhanka Masar waxa goobjoog ka ahaa madaxa golaha wasiirada

Dr. Axmed Nadiif, iyo madaxa ciidanka qalabka sida ahna wasiirka gaashaandhiga Maxed Xuseen Dandaawi iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar Axmed Abul Gheyt iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Mubaarak ayaa  xalay casho sharaf ugu sameeyey boqorka iyo wafdigii la socday ayaa si weyn isula faaqiday sidii ay oga go’antahay in la meel mariyo heshiisyadii loogu qabtay kooxaha dalka lubnaan magaalada Dowxa ee dalka Qadar iyo heshiiskii somaliada ee magaalada Djibouti iyo heshiiskii filistiiniyiinta ee magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Afhayeenka rasmiga ee madaxtooayda Masar Suleymaan cawad ayaa sheegay in booqashada boqor C/della ay qeyb katahay xal u helidda khilaafka u dhexeeya umadda islaamka iyo sidii ay labada hogaamiye ay isku aragti oga qaadan lahaayeen sidii nabad iyo barwaaqo ay ugaari lahayd ummadda islaamka.

Sikastaba ha ahaatee ilaa iyo hadda ma kala cada mowqifka Masar ee ku aadan heshiiska dowladda FKMG iyo garabka isbahasysiga fadhigoodu yahay dalka Djibouti kaas oo lafilayo in  dhameystirka heshiiskaas ay kukala saxiixan doonaan Magaalada Makka ee dalka Sucuudiga.

Ustaad: C/xakiim Maxamed Cumar
 

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.