HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 

Waa Maxay sababta ay isku casileen Toban Wasiir oo hayey xilal muhiim ah? Magacyada Wasiiraddaasi iyo xilalkii ay hayeen

 Aug 03, 2008
wasiiro tiradooda gaareyso Toban iyo hal wasiir ku xigeen ayaa maanta shir jaraa'id ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ku soo bandhigeen sababaha keenay in ay iska casilaan xilalki ay ka hayeen xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde

 

waxayna sheegeen in ay isku casileen go'aanka uu Ra'iisul Wasaaraha ka qaatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere kaasoo ay ku sheegeen in uu ahaa mid kaliye talisnimo. Wasiiradan ayaa waxay kaloo sheegeen in go'aankaasi uu ahaa mid aan waafaqsaneyn sharciga Dowladda sidaasi daraateedna uu Ra'iisul Wasaaraha ku tuntay dastuurka,

sidoo kale sababaha ay ka cabanayaan wasiirada xilalka iska dhigay ayaa waxaa ka mid ah in Ra’iisul Wasaaruhu uusan wax miisaaniyad ah u sameeyn xukuumada isla markaana la lunsado hantidii Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay jirto maamul xumo lagu sameeyay Daqligii soo galay dalka ee dhawaan baarlamaanka la hor keenay.. Qadiijo Max’ed Diirye oo aheeyd Wasiirada Horumarinta haweenka iyo Arimaha Qooyska ayaa warbaahinta ugu warbixisay sababaha keenay iscasilaada wasiirada xukuumadda uu hoggaamiyo Nuur Cadde iyadoo sheegtay in tirada Wasiiradaasi ay gaarayaan Toban Wasiir iyo hal Wasiir kuxigeen, kuwaasi oo ay sheegtay in ay ka careysan yihiin qaabka maamul ee Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde wax u wado, waxayna soo qaateen qodobo ay sheegeen in uu Nuur Cadde ku tuntay qodobada 49, 48, 53 iyo 52-aad kuwaasi oo dhamaantood ka hadlaya awooda iyo talada wasiiradda Dowladda KMG ee Soomaaliya. 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2007 ayaa jagada Ra'iisul Wasaarenimo ee Dowladda KMG uu ku dhawaaqay Cali Maxamed Geeddi inuu iska casilay xilkaasi, kadib markii sidan oo kale xukuumadii uu hoggaaminayey ay iska dhigeen xilalkii ay hayeen taasoo ka danbeysay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed,

waxaana iminka muuqanaya khilaafka aan qarsooneyn ee u dhaxeeya Nuur Cadde iyo Cabdullaahi Yuusuf kaasoo aan la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono. Magacyada Wasiirada xilka iska casilay 1.Cali Axmed Jaamac Jengeli,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 2.Xuseen Ceelabe Faahiye,Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo waliba Dalxiiska 3.Saalim Caliyow Ibrow Ra’isal wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirka Garsoorka. 4- Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf Ra’isal wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirka Waxbarasahada,hiddaha iyo dhaqanka 5.Muxiyidiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirka Gaashaandhiga. 6.Maxamed Cali Saalax Kaange,Wasiirka Macdanta iyo Tamarta. 7.C/risaaq Ashkir Cabdi,Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Fadaraaliga. 8.Cabdi Maxamed Tarrax,Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta 9.Khadiijo Maxamed Diiriye,Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska 10.Carab Cali Diiriye,Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Fadaaralka Ugu danbeyntii Arintan ayaa waxaa fikrado kala duwan ka bixiyay dadka u dhuun daloola siyaasadda dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in hadii uusan Nuur Cadde keenin xal badbaado uu mari doono wadadii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi,

balse Nuur Cadde ayaa galay jawi cusub oo uu ku doonayo inuu la soo baxo mowqif cad oo uu isku badbaadinayo ama ku cadeynayo inuu ku fashilmay siyaasadda xukuumadda.

 

Yasin Mohamed Ahmed

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.