HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Wadanka Ethiopia ayaa sheegaya in halkaas ka socoto qaban qaabada Xaflad la sheegay in lagu soo gaba gabeynayo Heshiiskii Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde wada gaareen.

Sida ay sheegayaan Saraakiil ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada Dowladda Soomaaliya, Heshiiska ay garwadeenka ka aheyd Dowladda Ethiopia ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah loo shaaciyo, waxaana ka qeyb galaya diblomaasiyiin ka socota Beesha Caalamka.

Xaflada maanta lagu shaacin doono Heshiiska waxaa ka qeyb geli doono Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Ethiopia, Wakiilo ka socda Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka ee Dalka Ethiopia

Labada Mas'uul waa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha waxaa ka dhex taagnaa khilaaf siyaasadeed baahsan, kaasoo ay guntiisu aheyd awooda dalka, waxaase suura gashay in Dowladda Ethiopia oo ah awooda milateri ee Dowladda Federaalka ku joogto Dalka inay ku cadaadiso in ay heshiiyaan, taasoona sida la sheegay qodobo dhowr ah ku heshiiya.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma shaacin qodobada ay ku heshiiyeen Labadan Nin ee hogaamisa Dowladda Federaalka, waxaase ilo ku dhow dhow Labadaas Mas'uul waxay si hoose ah u sheegeen in Ilaa lix qodob oo muhiim ah ku heshiiyeen, taasi oo aan la ogeyn sida ay ku dhaqan geli karto, xilli Gudaha Baarlamaanka ay ka socdaan Mooshin ka dhan ah Xukuumada Nuur Cadde
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.