Dowlada Ethiopia ayaa Fariin la xiriirta arimaha Soomaaliya u diratay Wadanka Uganda.
Fariin uu soo diray Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Melse Zenawi ayaa waxaa la gaarsiyay madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri mosafeni fariintaasi oo la xirirtay Xaalada Adag ee uu haatan dalka Soomaaliya marayo.
Fariintani oo uu waday ku xigeenka wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia Dr. Takade Alemu ayaa waxaa looga hadlayay fariintaasi arimaha Dalka Soomaaliya ka taagan iyo weliba xaalada ciidamada labada dal ee ka jooga dalka Soomaaliya.
Marka ay fariinta ka timid dalka Ethiopia ee ku aadan arimaha Soomaaliya ay gaartay Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri mosafeni ayuu sheegay in uu jawaab ka bixin doono mana cadeeyn warbaahinta Dalka Uganda wax jawaab oo uu ka bixayay Yuweri mosafeni.
Labada wadan ee Uganda iyo Ethiopia ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga Ciidamo Fara Badan kuwaasi oo weeraro xoogan kaga yimaada Xoogaga Kacdoonka ee diidan joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.