Saalax Cali Nabhaani oo ka mid ah sadex nin oo uu Mareykanku sheegayo inuu ka doondoonayo gudaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay wuxuu soo direy fariin Muuqaal ah oo ku cadeeyey in uu ku sugan yahay gudaha Soomaaliya, isla markaana uu ka barbar dagaalamayo xoogaga Islaamiyiinta ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya.
Web Site-ka Kataa’ib ee ku hadla afka xoogaga Al-Shabaab oo ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa soo bandhigey warbixin, sawiro iyo filim muuqaal ah oo uu ku muujinayo in uu soo direy Sheekh Saalax Nabhaani oo sida warbixinta lagu sheegay fariintiisa kula hadlayey mujaahidiinta Islaamka ee caalamka, isla markaana loogu baaqayey inay ka soo qayb galaan sida hadalka loo yiri dagaalka jihaadka ee ka socda gudaha Soomaaliya.
Warbixintan ayaa waxay muujinaysaa in Saalax Nabhaan uu tababaro u fidiyo xoogaga Islaamiyiinta Soomaliya, iyadoo Web Site-ka la soo galiyey sawirka Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ay wada taagan yihiin Saalax Cali Nabhani oo isaga wajiga u daboolan yahay.
Ninkan ayaa wuxuu ka mid yahay sadex nin oo ay dawladu Mareykanku sheegto in ay ka mid yihiin xubnaha Al-Qaacidada Bariga Afrika, kuwaasi sida Mareykanku ay ku doodayaan kaalin weyn ku lahaa weeraradii lagu ekeeyey sanadkii 1998-kii safaaradaha Mareykanka ee magaalooyinka Darasalam iyo Naiorbi, iyadoo wixii xiligaasi ka dambeeyey ay Mareykanku sheegayeen in nimankaasi ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ka heleen kaalmo iyo gabaad xoogaga Islaamiyiina.
Marka laga soo tago Saalax Cali Nabhan oo hada la xaqiijiyey in uu ku sugan yahay gudaha Soomaaliya, waxaa iyaguna la heyn warkooda Fazul Cabdallah iyo Cabdallah Suudaani oo labaduba Washington ku tuhumayso inay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, waxaase la xaqiijiyey in Fazul Cabdallah bishii la soo dhaafay lagu arkay magaalada Malindi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu si dirqi ah uga baxsadey ciidamada Booliiska Kenya oo isku dayeyey inay qabtaan.