HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Muddo maalmo ah oo is qabqabsi iyo shuruudo adag la isa soo hordhigayay ayaa ugu dambayntii waxaa la gaaray heshiis dhowr qodob ka kooban taasoo aan la garan Karin sida loo dhaqan galinayo heshiiskaasi, kaa soo noqon kara mid qodobadiisu iska hor imaanayaan.

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ee Dalka Ethiopia, Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Ra'iisul Wasaarihiisa ayaa markii u horeysay is gacan qaaday tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka u dhaxeeya.

Dowladda Ethiopia oo in muddo ah ku dhex jirtay xalinta khilaafaadka Labada Mas'uul ayaa ugu dambeyn waxay kala dhex dhigtay heshiisyo dhowr qodob ka kooban, kaasoo sida la sheegay ay gacan ka geysatay Saraakiil ka socotay Midowga Afrika oo arrinta soo galay.

Saraakiisha Ethiopia iyo kuwa Midowga Afrika ayaa labadii maalmood ee u dambeysay ahaa kuwo dhexda u xiranayay sidii ay u dhameyn lahaa khilaafka sii weynaaday, waxaana kal hore fashilmay isku dayo lagu qaboojinayo xalinta khilaafaadka, taasi oo keentay in Dowladda Ethiopia gacanta ka taagto.
 

Heshiiska Labada Mas'uul gaareen ayaa ah kuwo horu dhac ah, waxayna timid markii Labadaas Mas'uul ee is khilaafsan iyo Afhayeenka Baarlamaanka ay muddo labo todobaad joogeen Magaalada Addis Ababa oo markii hore looga yeeray.

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah:

1. In lagu dhaqmo Axdiga kumeel gaarka ah

2. In la dhiso Gole Wasiirro oo ka kooban 23 wasiir laguna dhiso mudo 15 cisho ah iyadoo kuwii is casilayna lagu soo darayo.

3. In la doorto maamulka gobolka Banaadir lagana soo doorto degmooyinka uu ka kooban yahay, laguna soo dhiso mudo 15 maalmood ah.

4. In Heshiiskii Djibouti la sii wado oo la hirgeliyo

Faahfaahin

A. In la dhiso Gole Wasiiro oo ka kooban 23 ayaa waxay u baahan doontaa in la marsiiyo Baarlamaanka si loo ansixiyo maadaama markii hore uu Goluhu ahaa 18 Wasiir.

B. In la doorto Maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqon doonta mid caqabad ku ah in doorasho dhacdo waayo maadaama laga dhawaajiyey in lagu dhaqmo Axdiga KMG ah ayaa qodob ka mid ah dastuurka waxa uu qorayaa in sharci gaar ah loo sameeyo Caasimada Muqdisho iyadoo aysan jirin wax sharci ah oo hore loogu sameeyey.


Caqabada kale ee doorashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ah iyadoo aysan jirin degmo ka mid ah magaalada Muqdisho ammaankeedu sugan yahay sidaas darteedna aanay suurto gali Karin inay wax doortaan

Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiisyada Labadaas Mas'uul ayaa sheegaya in maalmaha soo socda ay ku soo jeedaan Magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in Saxaafada usoo bandhigaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen oo asalkooda ahaa dhinaca sharciga iyo awoodaba.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin uu ku eedeeyay inay horseed u yihiin caqabada ka taagan Dalka, isagoona sheegay in labadaba aanay dhab ka aheyn maamulkooda.
  
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.