HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
QM oo ku baaqaday in gargaar lala gaaro dadka ku dhibaateeysan bartamaha dalka Soomaaliya

Posted: 8/24/2008 3:20:00 PM

QM ayaa ku baaqaday in gargaar lala gaaro dadka ku dhibaateeysan bartamaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ay dhawaan ka dheceen dagaalo xoogan oo u dhexeeyay ciidamada Ethiopia iyo xoogaga ka soo hor jeeda.

 

Hay’ada UNICEF ee QM u qaabilasan dhalaanka iyo hooyada ayaa waxaa ay sheegtay in xaalada caruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Hiiraan ay ka soo dartay tan iyo markii ay dagaalo xoogan halkaasi ka dhaceen.

 

Hay’ada ayaa waxa ay ku baaqday in dadkaasi gargaar lala gaaro hadii aan taasi la yeelina ay keeni karto xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

 

Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’ada ayaa waxaa lagu sheegay in sidoo kale dadkii ka barakacay dagaalada magaalada Baladweyne ku dhex marayay ciidamada Ethiopia iyo xoogaga ka soo hor jeeda ay keentay in dhibaato ay ka soo gaarto dadka shacabka ah gaar ahaan caruurta gobolkaasi ku nool.

 

Madaxaha hay’ada UNICEF ee Soomaaliya Christian Balslev-Olesen ayaa waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya ay ka dheceen caruur la dilay la dhawacay lagu shaqeystay iyo kuwa kale oo fal danbiyeed aad u fool xun laga galay.

 

Ugu danbeyn waxaa ay hay’ada UNICEF ay sheegtay in ay gargaar gaarsiin doonto Magaalada Baladweyne iyo deegaanada ku xeeran oo ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ah.

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.