Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa maanta soo gaaray Magaalada Jowhar tan iyo markii Shaqaalihii Ajaaniibta ay isaga baxeen Magaaladaas.
Saraakiisha Qaramada Midoobey oo gaaraya ilaa saddex xubnood waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamka, kuwaasoo maanta kulamo kula qaatay Magaalada.
Madaxa Ammaanka Qaramada Midoobey Jean Lasbeg iyo Labo sarkaale oo dhinaca amaanka Soomaaliya ugu qaabilsan Koonfurta iyo Bartamaha ayaa la kulmay Saraakiisha Maxkamadaha, iyagoona kala hadlay arrimaha gar gaarka iyo howlaha bani'aadanimada sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Maxkamadaha.
Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ka soo baxay kulankaas, hadana kulanka ayaa ujeedadiisu aheyd sidii Maxkamadaha ula shaqeyn lahaayeen Qaramada Midoobey howlaheeda ay ka wado Shabellaha Dhexe, maadaama xarunta ugu weyn ee UNICEF Laanta Qaramada Midoobey ee Hooyada iyo Dhalaanka ugu qaabilsan ay ku taalo Magaalada Jowhar.
Kulankaas waxaa ka qeyb galay Mas'uuliyiin ka tirsan Isbaheysiga Dib u Xoreynta garabka Jabuuti, kuwaasoo magaalada Jowhar iyana soo gaaray sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo.
Waa markii u horeysay ee Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ay soo caga dhigato Diyaarad Qaramada Midoobey, tan iyo markii ay Qaramada Midoobey joojisay in Diyaaradaheeda ay ka degaan Magaalada Jowhar oo dagaalo ku dhex maray Maamulkii Dowladda Federaalka u magacowday iyo Ciidamo taabacsan Maxkamadaha islaamka