*Fanaanka Reer Djibouti Ee Cabdiraxmaan Sheekh Dandaawi Oo Hargeysa Socodaal
Ku Tagay.*
Hargeysa - Cabdiraxmaan Sheekh Dandaawi oo ku caan baxay Qasiidooyinka
uu qaado ee Nebi ammaanka, islamarkaana u dhashay Jamhuriyada Jabuuti ayaa
waramay ujeedada safarkii ugu horaysay ee uu Somaliland booqasho ku tago. "Waxa
igu dhalisay inaan Hargeysa yimaado mar kasta fariin ayaa ii iman jiray,
taasoo ah waxa laga daawadaa Hargeysa wakhti kasta Qasiidooyinkaaga. Ninka
maal-geliyahayaga Cumar Caydiid iyo shirkadda 571-ka ayaa igu dhaliyay iyana
gaar ahaan inaan sanadkan ku qabto Qasiidooyin fara badan Hargeisa. Markaa
Album cusub ayaan Hargeisa ku sameeyay, waxa ku jira Sideed Qasiido, Saddex
Jabuuti baan kala imi, Shanta kalena halkan ayaan ku sameeyay, magaciisana
waxa la yidhaahdaa MARXABBA." Ayuu yidhi Sh. Dandaawi oo safarkii Hargeysa
ka xog-waramayay. Waxa uu sheegay Qasiidooyinkan uu ku caan-baxay inuu
bilaabay sanadkii 1989-kii, waxaana uu xusay in qoyskiisu ku caan baxay
qasiidooyinka, isla-markaana Aabihii Sheekh Djibouti aad looga yaqaano ahaa.
Waxa ka mid ah midhaha Qasiidooyinka uu Hargeysa sanadkan ku qaaday Dandaawi
Tuducyadan:-
Adduunyada dadka moodayoow
Malaha Taariikh
Ma guuraankii noloshiyo
Hadday tahay mid loo aayayo
Murugadii ma xusuusteen
Lilmadii Isniin dhacdiyo
Murugadii maba xasuusteen."
Aadmigu ma qiyaasi karo
Qaybkaagu siduu yahoo,
Qadarka adigaa hayee
Allow baryada ha igu qadin.
Allahu malak al xamdu
Allahu malakal shukru
Wa calayka tuklaam
Yaa Dal-shacni
Yaa cadiimal Burhaan.
Isaga oo faahfaahin ka bixinaya Albumka Marxabba ee uu Hargeysa ku qaaday
iyo cidda ka caawisayna waxa uu yidhi: "Waxaa qayb wayn ka qaatay oo iga
caawiyay Abwaankayga wayn Maxamuud Nuur oo loo yaqaano Daa'uus, Waxa iga
caawiyay Miyuusiga Naasir Cabdallah, waxa jiibinta iga caawiyay Xabad iyo
Idiris. Dhaqaale ahaan waxa naga caawiyay Cumar Caydiid oo na maal-geliya,
xaggan Hargeysa waxa nagu soo dhaweeyay shirkadda 571."
Isaga oo ka jawaabayay su'aal aanu ka waydiinay bal inuu la kulmay dadka
sameeyo, qasiidooyinka, kuwa qaada iyo kuwa daneeyaba intii uu Hargeysa ku
sugnaa waxa uu yidhi: "Waxaan la kulmay Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ii
dhiibay Canjalad Qasiido ah oo igu yidhi soo samee. Markaa waan soo samayn
doonaa Insha Alaah. Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska iyadana waan la kulmay
gaar ahaan Wasiirka."
Waxa kale oo Dandaawi tilmaamay in guud ahaan Albamadiisa qasiidooyinku ay
dhan yihiin 7 Albam, isla-markaana waxa uu hoosta ka calaamadiyay in
Albamkan cusub ee uu Hargeysa ku qaadayay midka ugu xiisaha badan ee ugu
fiican. Kaasoo uu sheegay inuu ugu midho iyo laxanba macaan yahay.
Mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd; waxa aad isku guruub ahaydeen Cumar
Aadan, maxaa sababay in aad kala koox noqotaan oo kala baxdaan ? waxa uu
yidhi: " May taasi jacayl ayuun bay ahayd, qasaa'idkaa fara badatay, markuu
Shan sameeyo anna Shan sameeyo dee Albumkii ma wada qaadi karo, markaa waxa
dhacday inaan yidhaahdo adna Album samee anna Album. Waan isla qayilnaa,
waan isla qadaynaa, wax kale may jirin."
Su'aal aan ka waydiin in lagu xanto in dhaqaale ahaan ay dawlada Jabuuti ka
caawiso waxa uu kaga jawaabay: "Markii ugu horaysay ee aanu aniga iyo Cumar
isku jirnay ayuu Madaxweynuhu na maal-geliyay, intii ka dambaysay waxa na
caawinayay Cumar Caydiid Maal-qabeenka wayn."
Waxa uu sheegay in Cumar Caydiid maal-qabeenka reer Jabuuti uu yahay
shakhsiga keliya ee caawiya fanaaniinta oo uu maal-geliyo, isla-markaana uu
Fanaanka Cawaale ka bixiyay kharashkii uu ku soo saaray Albamadiisii u
dambeeyay.
Waxa aanu waydiinay su'aal kale oo ahayd Dhaqanka Madaxweyne Ismaaciil
Cumar Geelle waa nin suugaanta caawiya oo xiiseeya, xagga Qasiidooyinka ma u
tuntaa? Waxa uu kaga jawaab bixiyay: "Madaxweynuhu qof kale ma haysto aniga
ayuun baa u tuma, hadday ciidaha noqoto, hadday Mawlata-Nebiga tahay. Aniga
ayaa Sheekhiisa ah.Aniga ayuun baa uga wakiil ah xaga qasiidooyinka."
Waxa kale oo hoosta ka calaamadiyay Sheekh Cabdiraxmaan Daydaani in aanu
safar kiisan mid ka horeeyay ugu bixin wadamada la jaarka ah Jabuuti oo ay
Somaliland ugu horayso. Waxaana uu ugu dambayntii salaanta bisha barakaysan
ee Ramadaan Kariim hawada u mariyay Labada shacbi ee Reer Jabuuti iyo reer
Somaliland, Madax iyo Mijaba.
Shiine Cilmi Kaahin Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com
|