Tartanka Loogu Jiro Jagada Madaxweyne-Xigeenka Kulmiye Oo Xawli Ku Socda Hargeysa : Xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa inuu 11 cisho gudadhood ku doorto cidda uga qaybgalaysa doorashooyinka madaxnimada Somaliland ee soo socota ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Waxana maalmahan dambe si xawli ah u socda loolanka ka dhexeeya uga yaraan afar mudane oo jagada Madaxweyne-ku-xigeenka damac ka hayo. Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan waxa jagadaa u taagan Muj. Cabdiaxman Aw Cali Faarax, Professor Ismaaciil Muumin Aare, Injineer Cabdiraxman Saylici oo ka soo jeeda dhammaan gobolka Awdal iyo ninka afraad oo ah Mudane ……….Cadami, Guddoomiyihii hore ee Komishanka doorashooyinka. Loolan ba’an oo ilaa jaraaidka gaadhay waxa uu ka dhex socdaa saddex mudane ee ka soo jeeda Awdal oo is riix riix ka dhex socdo. Labada mudane ee cusub (Sylici iyo Professor Aare) ayaa la sheegayaa inay damacsanyihiin inay ku qanciyaan Muj. Cabdiraxman Aw Cali inuu horta isagu ka tanaasulo iyaga oo sheegaya inuu fursado hore qaatay, mar uu ahaa madaxweyne-ku-xigeen iyo mar uu ahaa murashaxba. Si kastaba ha ahaatee, saddexduba waxay ku jiraan olole ay rabaan inay ku qanciyaan xubnaha golaha dhexe murashaxnimadooda.
In kasta oo hore la filayey inay saddexda mudane ee kor ku xusane damac kaga jiro jagadaas, haddana waxa dhawaan si lama filaan ah u soo baxay…………..oo ka soo jeeda gobolka Sanaag. Cadami oo ah siyaasi ruugcadaadi ah dhawaan ayuu ku soo biiray Xisbiga Kulmiye waxaanu ahaa intii uu xibsiga ku jiray la taliyaha Guddoomiyaha Xisbiga, Axmed Moxamoud Silanyo, dhinaca komishanka oo dabcan khabiir uu ku yahay horena u hogaamiyey.
Tirada saddexda ah ee ka soo wada jeeda Awdal oo aan iskood u soo kala hadhine waxay u eegtahay tii hore uga dhacday xisbiga Kulmiye dhexdiisa doorashooyinkii hore oo ilaa 4 mudane ay u baratameen jagada ku-xigeenka. Dadka arrimaha siyaasadda indha indheeya waxay saadaalinayaan inuu Muj. Cabdiraxman Aw Cali markanna ka soo dhex bixi doono sababta oo ah kala saarka saddexdooda waxa yeelanaya bulshada intaan ka soo jeedin Awdal oo ay ku cusub yihiin magacyada ragga kale. Dhinaca kale waxa la sheegayaa in ololaha Saylici uu aad u balaadhan yahay kana horeeyey ka labada nin ee kale iyo weliba in xubnaha Golaha Dhexe ay ku jiraan in badan oo cusub.