HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Waxaa socda qaban qaabo ay wadaan Ciidamada Marines-ka Mareykanka iyo Malaysia kaasi oo ah mid dagaal oo ay ku doonayaan inay ku soo furtaan Maraakiib lagu heysto Xeebaha Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ay ku leedahay dalka Malaysia oo la yiraahdo Tina Malone ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ogolaatay dalab ugu yimid Malaysia oo ku aadan sidii gacan loogu siin lahaa badbaadinta muwaadiniinteeda iyo labo markab ay leeyihiin oo lagu heysto Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo laga afduubtay gacan Biyoodka Cadmeed.

Dowladda Malaysia ayaa ka dalbatay Mareykanka in gacan laga siiyo sidii loo heli lahaa warbixin kasta oo fududeyneyso soo badbaadinta muwaadiniinta iyo maraakiibta dalka Malaysia ee lagu heysto xeebaha Soomaaliya, kuwasi oo ay heystaan Burcad badeed Soomaali ah oo iyagu doonayo in la siiyo lacago Madax Furasho ah.

Dowladda Malaysia ayaa Maraakiib dagaal u soo diray Xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo ilaalin doono shan markab oo isticmaala xeebaha gacanka cadmeed, waxeyna Malaysia doonaysaa inay si xoog ah u soo furato Laba markab iyo dad saarnaa oo iyagu Burcad badeed Soomaliyeed ay ku heystaan Deegaanka Eyl ee Gobolka Nugaal.

G/Dhexe Datuk Rodzali Daud oo ah Taliyaha ciidamada badda ee dalka Malaysia ayaa saxaafadda u sheegay in Dowladda Malaysia ay u dirtay Maraakiib dagaal oo gacan ka geysanaaya ilaalinta shan markab oo ay leedahay shirkadda MISC ee dalka Malaysia, maraakiibtaasi dagaal ayaa lagu kala magacaabaa KD Lekiu iyo KD Inderapura oo ay leeyihiin ciidamada badda Malaysia

Dhinaca kale Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin dalka Maraykanka ayaa iyana ku soo socda xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay sidii ay ula dagaalami lahaayeen Burcad badeeda Soomaalida oo caadeysatay Qafaalashada Maraakiibta Ganacsiga ee maraya marinka Gacanka Cadmeed.
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.