HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Guriga Umadda ee Magaalada Jabuuti ayaa saaka waxaa mar kale fadhi wada xaajood ku saabsan sidii xal looga heli lahaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya uga furmaya dhinacyada Dowladda Federaalka iyo isbaheysiga dib u xoreynta garabka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Ahmedou Ould-Abdallah uu xalay la kala kulmay Ergooyinka ka socda Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga.

Wada hadaladan saaka ka bilaabanaya dalka Jabuuti ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la doonaya marka hore in wado loo helo qaabkii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii hore Jabuuti ugu dhex maray dhinacyada saaka wadahadalada ka qeyb qaadanaya.

Sida uu sheegay mid ka mid ah Xubnaha Dowladda Jabuuti tagay waxaa wada fadhiisanaya Guddiyo labada dhinaca ka socda oo ka shaqeyn doona in xal loo helo dhaqan gelinta qodobadii horey looga heshiiyay.

Wafdiga Dowladda Federaalka waxaa uu hoggaaminaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Warfaafinta Axmed C/salaam Aadan, waxaana ka mid ah qaar kamid ah talisyada Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha Ciidamada Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Taliyaha Ciidamada Militariga Saciid Dheere, Taliyaha Ciidamada Asluubta C/llaahi Macallin Cali waxayna sii amba qaadayaan wada hadaladii u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo 9-kii June 2008 heshiis hordhac ah ku gaaray dalka Jibouti.

Guddiyada shirka ka qeyb qaadanaya waxaa ka mid ah Guddiyo qaabilsan amniga oo labada dhinaca soo kala magacaabi doonaan iyo guddi qaabilsan dhinaca Siyaasadda.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli shalay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye Ciidamada Ethiopia dad fara badan oo rayid ah ku laayeen iyo xilli lagu mashquulsan yahay in xal loo helo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo hadda ku wada hadlaya Magaalada Adis ababa.

Waxaa sidoo kale Jabuuti ku sugan Wakiilada, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Wakiilka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Somaliya, kuwaasoo goob joog ka noqonaa hore usii ambaqaadida Wada hadaladii Jabuuti
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.