Waxaa laga jaray aqalka Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntand ee Somalia korontadii iyo biyihii ay isticmaalyeen kadib markii shirkadaha bixiya adeegyada noocan ahi ay soo dalaceen kharash aad ufara badan kaas oo ay usoo gudbiyeen Baarlamaanka Puntland ayna waxba ka qaban waayeen muddo dheer sida uu sheegy mid kamid ah mulkiilayaasha Shirkadaha oo saxaafada u waramayay.
Waxaana uu intaasi ku daray in Korontadii iyo Biyihii ay isticmaalyeen Xubnaha Baarlamaaku ay shirkado ahaan la' yihiin ilaa hadda meel ay uracaan isagoo ku tilmaamy in aysan jirin wax dhaqaalo ah oo maamulka Puntland hadda meel uyaal sidoo kalena wixii soo xarooda lagu kal goosto goobaha ay kasoo galaan iyagoon soo gaadhin khasnadaha Dawlada.
Waxaa saaka gabi ahaanba go'naa microphone-da ay isticmaalaan xubahana Baarlamaanka Puntland ee ku shaqayn jiray korontada sidoo kalena waxaa go'naa biyihii arintan ayaa waxa ay ku tilmaameen qaar kamid ah xildhibaanada ku sugnaa goobtaasi mid laga xumaado sharaf dhac wayna ku ah xukuumada uu madaxda ka yahay Gen: Cadde Muuse.
Arintan ayaa waxa ay kusoo beegantay xilli ay socdeen doodo maalmihii udanbeeyay hadheeyay xildhibaanada Baarlamaanka Puntland kaas oo looga dooday arimaha dhaqaalaha Puntland kuwaas oo ay soo gudbiyaan Gudida dhaqaalaha Puntland kuna saabsan maamul Goboleedka Puntland iyo heerka dhaqaale ee uu marayo.
Hadaba Gudidaas ayaa waxaa ku yimi burbur kadib marki Gudoomiyaha gudidaasi uu ku dhawaaqay inay iscasilayaan gudidaasi ayna Baarlamaanku kusoo bedelaan gudi kale kaas oo baddala guddida hadda jirta isagooku tilmaamy inaysan xilkan hayn karin sababo la xidhiidha sharci la'aan ka jirta gudaha Puntland. |