HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 

Duruusta Ramadaanta SALAADA IYO QIIMAHEEDA

Mahad oo idil Eabaa leh, naxariis iyo nabad gelyona Eabe Nabi Muxammad korkiisa ha yeelo, intaas ka dib; Ilaahay kor ahaaye isagaa oo kaliya ayaa adduunka abuurey: Cirka, dhulka, qorraxda, dayaxa, geedaha iyo xoolulhuba waxay ka mid yihiin uunka Alle.Ilaahay kor ahaaye si gaar ah ayuu dadka u abuurey oo ak duwan xoolaha iyo dugaagga duur joogta ah, wuxuuna u yeelay qaab iyo muuqaal wanaagsan, intaa waxaa dheer inuu ka yeelay mid caqli iyo cilmiba leh. Maxaa dadka loo abuuray? Ilaahay wuxuu dadka u uumay inay keligii caabudaan Alle kor ahaaye wuxuu yiri: "Jinni iyo insi waxaan cibaadadayda ahayn uma uumin."

Waa maxay cibaadadu? Cibaadadu waa fal kasta oo Eebe loogu dhawaado, Eabana jecel yahay kaasoo daliilkiisu ku sugan yahay Qur'aanka iyo Sunnada Nabiga sida; Salaada, Soonka, Sakada iyo Xajka.

Dad farabadan ayaa Eabe ku gaaloobay weyna beeniyeen ama diintiisey diideen iyagoo caabudi qaar ka mid ah uunka Alle sida; Sanamda, Dhagaxa, Dabka, Biyaha, Geedaha, Jinniga, Insiga, Qorraxda, Dayaxa iwm.

Alle kor ahaaye wuxuu u ballan qaaday gaalada iyo waxay caabudeen inuu naarta ku shidi qiyaamada wuxuuna yiri:"Idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo haray waxaydin noqon shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku arooreysaan."
Gaalnimadu waa dambiga ugu weyn Alle horti.

Cabdullaahi bin mascuud Allaha ka raali noqdee wuxuu weydiiyey dambigee ugu weyn?
Markaasuu yiri Rasuulka naxriis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yelee: Inaad Alle u shariig yeesho isagoo keligii ku uumay.
Marar badan isagoo qofku ujeedin inuu Eebe ku gaaloobo, ayey dhacddaa inuu Alle ku gaaloobo tusaale: hadduu qofka jeclaado adduun, xoolo iyo caruur iskana halmaamo Alle iyo diintiisa iyo nabigiisa, kana digtoonaado gaalnimo,
Anas Allaha ka raali noqdee wuxuu ka weriyay Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee inuu yiri:
" Saddex sifood qofkii laga helo wuxuu dareemaa macaanka iimaanka;
1. Inuu cid walba ka jeclaado Eebe iyo Rasuulkisa.
2. Inuu qofkuu jeclaaanayo Alle oo keliya dartii u jeclaado.
3. Inuu naco inuu gaaloobo ka dib markii Alle ka badbaadiyey gaalnimo siduu u neceb yahay oo kale in naarta lagu tuuro.

Shuruudaha lagu aqbalo cibaadada:
a)- Iimaanka : Inuu qofku rymeeyo Ilaahay, ogaadana in Alle oo kaliya xaq u leeyahay cibaadada Ilaahay wuxuuna yiri;"Eebe wuxuu ku dhaartey waqtiga casarka ah in dadku khasaaro kusugan yahay marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyay ee camal fiican falay".
b)- Ikhlaaska: Inuu qofku Alle cibaadada u saafi yeelo kana fogaado istustus iyo isma- qashiis Ilaaheyna wuxuu yiri:" Dadkana waxaan Eebe caabudidiisa ahayn lama farin iyagoo u keli yeeli Eebe diintiisa.".
c)- Raacida Sunnada: Waxaa waajib ah in qofka muslimka ahi uu kaga daydo cibaadada iyo akhlaaqda ( dabciga wanaagsan) Nabiga oo keliya kana fogaado bidcada iyo firqooyinka ka leexday tubta toosan ee Nabiga kuwaasoo neceb Sunnada Nabiga camalkoodana lama aqbalo ee iyagaa dib loogu celin.

Caa'isha Allaha ka raali noqdee waxay tiri; Rasuulka Alle naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
" Qofkii ku soo deraya diinteena waxaan ka mid ahayn isagaamdib loogu celin.
Taasi waxay daliil u tahay inaan diinta waxna lagu kordhin ama dhimi karin.
Sidaas awgeed waxaa waajib ah in qofka muslimka ah inuu diintiisa barto kadibna uu raaci kitaabka iyo sunnada. Waayo Ilaahay ko ahaaye waxuu faray addoomadiisa wanaagsan iney ku daydaan Rasuulka naxariis iyo nabad gelyo Ebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
" Dhab ahaantii waxaa idiinka sugnaaday rasuulka kudayasho wanaagsan haddaad tihiin mu'miniinta ka rajeyneysa Eebe khayr maalinta qiyaame xusa in badan.

Salaada
Salaaddu waa cibaadada ugu weyn ee Alle loogu dhowaado, waana xiriirka u dhexeeya Illaahay iyo addoonkiisa. Marka addoonksalaadda xirto wuxuu la koodayaa Ilaahay lana xiriirayaa, wuxuu doonana ka baryayaa, wuxuu ka digtoon yahayna ka magan galayaa.
Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:

Alle kor ahaaye wuxuu yiri waxaan Salaada u qetbiyey aniga iyo addoonkayga kala badh wixii uu addookayga i weydiistana waan siin.

Markuu addoonku akhriyo faatxada oo uu yiraahdo: Mahad Eebaa iska leh ee barbaariyaha caalamka ah.
Alle kor ahaaye wuxuu oran: addoonkeygii waa igu mahadiyey.
Markuu yiraahdo addoonka: Eebe waa kan naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista
Alle kor ahaaye wuxuu oran:addoonkaygii waa i amaanay.
Markuu yiraahdo:Eebe waa kan hanta maalinta abaal marinta (Qiyaamada).
Alle kor ahaaye wuxuu oran: Adoonkaygii waa i sharfay waana i tala saartay.
Markuu yiraahdo:adiga uun baan ku caabudeynaa, adiga uun baan kaa kaalmo weydiisaneynaa eebow.
Alle wuxuu oran: tani aniga iyo adoonkayga uun bay noo dhaxaysaa addoonkeygana waxaan siin wixii uu weydiisto.
Markuu yiraahdo: Eebow nagu hanuuni jidka toosan ee xaqa ah, jidka kuwii aad u nimcaysay eedan u caroonin dhuminna.
Alle wuxuu oran: Ducadaas waxaa iska leh addoonkayga.

Salaada waa tiirka diinta haya, qofkii salaada oogana diintoo idil ayuu oogay, kii ka tagana diintoo idil ayuu dumiyey.
Cibaado kasta waxey leedahay cudurdaar salaada mooyee, tusaale: hadduu qofka jirrado soon lagama rabo laakiin salaadda waa laga rabaa, sidoo kale hadduu miskiin yahay sako iyo xaj toonna lagama rabo laakiin salaada waa laga rabaa. Sidaa awgeed Eebe kor ahaaye wuxuu adoomadiisa wanaagsan amray iney salaada ilaaliyaan oo eeyan marnaba dayicin, wuxuuna yiri:

Xafida (illaaliya) Salaada iyo salaada dhexe (Casarka) una istaaga dar eebe idinkoo si dhab ah u adeeci. Suuradu Al-Baqara 238.
Markuu qofka si dhab ah u oogo salaadda isagoo ilaalinaya, shuruuddeeda, waajibkeeda, iyo sunanteeda, Eebana u khushuuca salaadda dhexdeda waxaa hubaal ah in salaaddaasu ku hanuuninayso xaqa kana fogeynayso xumaha oo idil.
Alle kor ahaaye wuxuu yiri:Ooga salaada maxaa yeelay salaadu waxay dadka ka reebtaa xumaanta iyo xaaraanta. (Cankabuut 45)
Alle kor ahaaye wuxuu kale oo yiri:Waxaa dhab ahaan u liibaanay mu'miniinta, kuwaasoo ah kuwa salaaddooda dhexdeeda Eebe u khushuuca.(Muminuun 201).
Hadduu qofka si wanaagsan u tukado, Salaada waxay ka dhowrtaa xumaha oo idil sida beenta, dilka, dhaca, tuugada, khayaamada, khamriga, khamaarka, dhileysiga iwm.
Hadiise qofku ku koco dambiyadaas salaada ka dib waxaan shaki lahayn inuu salaadda ku gabood falay, waayo iimaan iyo Alle ka cabsi toona kama helin.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo eebe korkiisa ha yeelee ayaa maalin xusay salaadda markaasuu yiri:
Qofkii ilaaliya salaada waxey u noqon ileys (Nuur) iyo hanuun iyo badbaadin qiyaamada, kiise aan ilaalin uma noqoneyso ileys (Nuur) iyo hanuun iyo badbaadin qiyaamada wuxuuna la meel noqon: Fircoon, Haamaan iyo Ubay Ubn Khalaf.

Salaadda waxaa lagu dhaafaa dambiyada yar yar, taasi waa markuu qofku si joogta ah u tukado.
Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri: Bal ka warrama hadduu wabi maro irrida qofkiin, kasoo qofka ku qubeysto maalin walba shan goor, haddaba wax wasakh ah ma ku harayaa jirkiisa?
Waxey saxaabadu yiraahdeen: Maya, wax wasakh ah ku hari maayo jirkiisa.
Markaasuu yiri: Sidaas oo kale weeye salaaduhu Eebe wuxuu ku dhaafaa gafafka.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe kor kiisa ha yeelee wuxuu kaloo yiri:
Shanta salaadood dhexdooda iyo labo jimce inta u dhaxaysa iyo labo soonqaad inta u dhaxeysa dambiyada waa lagu dhaafaa haddii laga fogaado kuwooda waaweyn.
Salaada waa udub dhexaadka diinta Islaamka, waayo waxey kulansatay cibaadooyin kala duwan sida: Qur'aanka akhrintiisa, rukuuca, sujuuda, akhrinta wardiga, khushuuca iyo qibladoo loo jeedsado.
Sidaa ayey u noqotay salaaddu cibaadada ugu muhiimsan aduunka, sidoo kale ayey salaadu tahay camalka ugu horeeya ee adoonka laga xisaabo aakhirada.

Nabiga naxariis iyo nabad gelyo Eebe korkiisa ha yeelee wuxuu yiri:
Camalka ugu horeeya ee laga xisaabo addoonka maalinta qiyaame waa salaada, haddey salaadu hagaagto dhab ahaantii adoonkaas waa liibaaney, waana guuleystay, hadiise salaaddu xumaato, dhab ahaantii addoonkaas waa hoogay waana khasaaray, hadday ka dhinnaato salaad waajib ah Alle wuxuu oran: u fiiriya adoonkayga hadduu wax sunna ah leeyahay si loogu kabo waajibka.
Markaa ka dib ayaa sidaas cibaadooyinka kalena loo xisaabiyaa.

WQ: Sh. Cabdalla M. Maxammud AFLAX.NET
 

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.