Hargeysa: Cilmi-baadhis lagu sameeyey waxqabadka iyo waxa qabyada ka
ah Golaha Degaanka Hargeysa muddadii ay xilka hayeen, ayaa habeen hore lagu
soo bandhigay hoteelka Imperial ee magaalada Hargeysa. Daraasaddan oo ay
sameeyeen Ururka Cilmi-baadhista Somaliland (SRC) oo socotay muddo dhawr
bilood ah, isla markaana ka qaybqaateen 1350 qof oo isugu jira qaybaha
bulshada, ayaa bannaanka lagu soo bandhigay ceebaha iyo dhaliilaha huursan
ee hadheeyey golaha degaanka Hargeysa, taas oo daaha ka fayday fadhiidnimada
waxqabadka dawladda hoose ee caasimadda.
Munaasibad ballaadhan oo lagu soo bandhigay cilmi-baadhistan oo ahayd mid si
heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin sare oo
ka kala socday saddexda xisbi qaran – Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal
Cali-waraabe, Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE Mr. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir
Faarax iyo Xoghayaha Siyaasadda UDUB Mr. Cumar Jaamac Faarax, Guddoomiyaha
Dalladda Dhallinyarada SONYO Mr. Maxamed Yuusuf Aw Cali, aqoonyahanno iyo
martisharaf tiro badan oo lagu casuumay.
Haseyeeshee, waxa ka baaqday oo aan ka soo xaadirin masuuliyiinta golaha
degaanka Hargeysa oo lagu martiqaaday xafladda lagu soo bandhigay daraasadda
laga sameeyey waxqabadkoodii lix sannadood oo ay xilka hayeen.
Cilmi-baadhistan oo dadweynaha lagu weydiiyey waxqabadka iyo dhaliilaha
dawladda hoose, ayaa dadka qaybqaatay waxa badankoodu isku raaceen in golaha
degaanku gabeen hawshii loo soo doortay, laguna khasaaray, iyadoo aanay
jirin haba yaraatee wax la taaban karo, laguna xusuusto oo ay ummadda u
qabteen.
Dadka qaybgalay cilmi-baadhistan oo tiradoodu dhan tahay 1350 qof oo isugu
jira lab iyo dheddig, waxa ay 68% sheegeen in aanay golaha degaanku gudan
hawshadoodii, 63% kalena waxay ku tilmaameen in dawladda hoose aanay waxba
ka qaban bilicda magaalada, sidoo kalena 70% ayaa xusay in golaha degaanku
ku fashilmay wax-ka-qabashada mushkiladda dhulka, iyadoo 20% ay ku doodeen
in goluhu wax ka qabtay arrinta dhulka, halka 10% qofna ka aamuseen.
Cilmi-baadhistan waxa kale oo lagu ogaaday in nadaafad-darradda iyo qashinka
dhex quban magaalada aanay waxba ka qaban golaha degaanku, iyadoo adeegyada
bulshada sida waddooyinka caasimadduna yihiin kuwo si weyn u arradan.
Inkasta oo daraasaddu sheegtay in jidka qaar ka tirsan caasimadak ay dayac
dirtay isla markaana ay isla gaadhashadeen dadweynaha xafaadahaasi oo
dawladda hoose gacan weyn ka qaadatay.
Waxa kale oo cilmi-baadhista uu sameeyey ururka waddaniga ah ee SRC lagu
sheegay in golaha degaanku hawlgab noqdeen, iyagoo dhinaca kalena talooyin u
soo jeediyey golayaasha degaannada caasimadda ee la soo dooran doono, kuwaas
oo ay kula talinayeen in aanay qaadin dariiqa waxqabad la'aanta ah ee lagu
xusuusto golaha degaanka hadda jooga.
Geesta kale, waxa daraasaddan lagu xusay qaabka golayaasha degaannada loo
soo dooran karo oo ay dadka ka qaybgalay isku raaceen in lagu doorto qaabka
doorashada tooska ah, lana mid ah tii Golaha Wakiillada.
Haddaba, markii ka qaybgalayaasha daawadeen nuxurka cilmi-baadhista oo lagu
soo bandhigay muuqaal ay ururka SRC u adeegsadeen habka casriga ah ee loo
yaqaan projector-ka oo gidaarka ku tuura muuqaallada, ayaa halkaa ka hadlay
siyaasiyiinta saddexda xisbi qaran, kuwaasoo aragtiyahooda ka dhiibtay
daraasadda.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ugu
horreyn hadalka lagu soo dhoweeyey, ayaa ku tilmaamay waxqabadka golayaasha
degaannada Somaliland mid eber ah, isagoo geesta kalena sheegay in
doorashadii degaannadu ahayd mid dalka ku cusbayd, sidaa darteedna uu
rajaynayo in kuwa dambe ka fiicnaan doonaan.
"Doorashaba doorashada ay ka dambayso ayey ka nadiifsan tahay oo ka qurux
badan tahay, wax kasta oo la samaynayana waa macno lagu saleeyaa. Golaha
degaanka waa in tiradoodu ka badato Golaha Wakiillada haddii la doonayo
waxqabadkooda, waayo waxa loo baahan yahay xaafad kasta in cid metesho.
Marka wixii aad soo dooratay shaqayn waayaan waxaad nacaysaa habkii loo
doortay, markaa labada hab ee aynu ku dooranay golayaasha degaanka ee ah
liiska isdaba taxan iyo habkii lagu doortay Golaha Wakiillada ee tooska ahaa
mid kastaa dhaliishiisa iyo ammaantiisa wuu leeyahay, waxaanan idiin
sheegayaa waxqabadka dawladaha hoose waa eber oo wax ay qabteen ma jiro,
isbeddelna waynu ku samayn doonaa," ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mr. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir
Faarax, ayaa ururka SRC ee cilmi-baadhista sameeyey ku ammaanay hawsha ay
qabteen iyo aqoonta u adeegsadeen soo bandhigisteeda, isagoo sheegay in
siyaasiyiinta dunidu inta badan aqoonta kala baxaan cilmi-baadhisaha kala
duwan ee la sameeyo, waxaannu tilmaamay in waxqabadka dawladaha hoose aanay
jirin haba yaraatee cid ka dambaysa oo ilaalisa, isla markaana aanay dan ka
lahayn wax-ka-qabashada adeegyada bulshada ee loo xilsaaray, iyadoo baahidu
meel kasta ka muuqato.
Mr. Cabdiraxmaan waxa uu intaa ku daray in dadweynaha laga qaado cashuur aan
waxba looga qabanayn.
Xoghayaha Siyaasadda xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB Mr. Cumar Jaamac
Faarax, ayaa isagu qiray jiritaanka dhaliilaha loo xambaariyey golayaasha
degaannada dalka, waxaannu tilmaamay in markii la doortay ahayd waqti
doorashada iyo dimoqraadiyaddu ku cusubaayeen Somaliland, taas awgeedna
dhaliiluhu iman karaan, waxaannu rajo ka muujiyey in la hagaajin doono kuwa
soo socda.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay xildhibaan Axmed Sandoon Xasan oo ka
tirsan golaha degaanka caasimadda Hargeysa, waxaannu ka garaabay dhaliilaha
tirada badan ee loo jeediyey golahooda iyo sida aanay waxba uga qaban
hawlihii loo igmaday, balse waxa uu tilmaamay in wax badan goluhu qabteen,
inkasta oo aanay daboolin baahiyaha kala duwan ee jira.
Guddoomiyaha ururka SRC Mr. Barkhad Maxamed Cumar, ayaa isaguna faahfaahin
ka bixiyey ujeeddada loo aasaasay ururkooda iyo waxqabadka muddadii uu
jiray, isagoo ka waramaya sababta loo aasaasay ururkan waxa uu yidhi " SRC
waxaa loo aasaasay waxaa ugu muhiimsan laba tiir oo kala ah in dalka laga
fuliyo cilmi baadhisyo ku saabsan arimaha bulshada, iyo in la hirgeliyo in
taariikhda wadanka la qoro isla markaana dhalinyarada lagu baraarujiyo in
taariikhdooda ay bartaan, maxaa yeelay Ardaydeena jaamacadaha ku jiraa ma
haystaa meelo ay ka akhriyaan haddii loo diro wax ku saabsan taariikhdeena
ilaa ay waraystaan odayada waaweyn ee wax ka sii haya taariikhda taasina waa
dhib loo baahan yahay in laga tashado laguna dhiiri geliyo sidii aanu
taariikh qoran u yeelan lahayn.
Sidoo kale waxanu diyaarinay sidii ay horumarka wadanka kaalinta nagaga
haboon aanu u buuxin lahayn, si dhalinayarada fadhiga aanu uga kicin lahayn
oo aanu u tusi lahayn in uu wadanku u baahan yahay oo ay kuraasta
makhaayadaha uga kacaan oo ay naftooda iyo ta wadankaba ka shaqeeyaa.
Si aanu dhalinayrada uga dhalino maskaxdooda fikrado cusub oo inoo horseeda
horumar iyo badhaadho haddii si fiican loo adeegsado garashada fikirka cusub
ee dhalinayrada waa hubaal inay ku najaxayno, in haddii dhalinayarada laga
qaybgaliyo talada aayahoohada oo aan wax cid kale ka soo shaqaysay naloo
keenin si aanu u noqono dad masuuliyadi saaran tahay
Hadaba si taasi ay inoogu suurto gasho waxaanu isku daynaa in carqaladaha
bulshada haysta gaar ahaan dhalinyarada aanu cilmibaadhisku ku saabsan
dhibaatooyinka dhalinyarada haysta samayno ka dibna waxaanu u soo bandhignaa
dhalinayaradaha jaamcadaha kala duwan ku jira iyo dad aanu isnidhaahno waxay
ka tari karaa hadba mawduuca aanu ka hadlayno si looga doodo, anago eegayna
dhinacyada ka qaybgali kara sida culimida, haweenka iyo aqoon yahanka kale
si xal loogu helo carqaladaahaasi.
Qorshahaasi waxaa nooga qarsoomay oo aanu si qoto dheer uga doodnay waxaa ka
mid ahaa, sida uu qofku horumar ku samayn karo naftiisa isagoo aan cidnaba
eeda saaran haday tahay xukuumad iyo haday tahay deegaanba, taasi waxay noo
noqotay gundhiga aanu ka duulnay si aanu qofku ugu marmarsoon dhinacyadaas
nolosha saamaynta ku leh, waxaa noogu xigtay sida balwadaha qaadku ka mid
yahay xal looga gaadhi karo si dhalinyarada uga joojijino, oo
dhalinyaradaas xal looga gaadhi lahaa, taasi si fiican ayey noogu qabsoontay
fikrado qurux badan iyo ra'yiyo kala duwan oo wax looga qaban karo way nooga
soo baxayn, waxaa kale ka mid ahaa sidee qabyaalada looga bixi karo,
maadaama caalamka hormoodka inoo ahiba ay bari sidan ka caban jireen balse
maanta ay gaadheen heer ay wadamadooda looga cidhib tiray oo haatan lagu
tartamo qaarado, wadano iyo degmooyinba oo laga tashaday qabyaaladii oo ay
ka baxeen ayaanu waxaanu is waydiinay habka ugu fudud ee aynu uga bixi karo
si aynu qablaaladaa ina daashatay u cidhib tiri karno, oo kolay mar kaliya
kama wada baxaynee sida fiican ee aynu uga faa'iidays karno, si hadaba
arimahaasi inoogu suura galan waa arin u baahan si qaran in loo galo oo
aanay koox iyo cid gaar ah lagu halayn, sidaa daraadeed waxaanu ururinay
xalalkii ka soo baxay balse waxaa loo bahan yahay in doodahaas la badiyo
lana joogteeyo isla markaana aynu ka galno wacyi gelin balaadhan oo soo
noq-noq-da lagu, haday taasi suurta gashana wax badan ayaan qabaa inay ka
tari karto ama ay yarayn karto.
Inkastoo aanu isku daynay in doodahaasi ay badi dhalinayrada somaliland aanu
gaadhsiino fariintaa si aanay boqolka qof ee fursada u heli in si toos ah
ula socdaani aanay kaligood uga faa'iidaysan ayaa waxaa noo suurta galay oo
aanu aad uga mahadcelinaynaa bahda warbaahinta oo si fiican noola shaqeeyey
taas oo aanu ugu tallo galnay qof waliba sida ugu fudud inay u gaadho haday
TV , Jaraa'id noqoto, iyo Website-yada intaba waanu u marinay fariintayada
si qof walba meesha uu jooga ugu timaado haddii uu kolay dabadii fadhiyo oo
uu aqaarta yar hoosfadhiyo, haddii uu kuraasta makhaayadaha ku cawaynayo iyo
haddii uu gurigaba ku sugan yahay, alla mahadi ha ka gaadhee fariinta
waxaanu is leenahay waad gaadhsiiseen wacdigaan wadnay.
*Guddoomiye Barkhad isagoo munaasibadan ay soo bandhigayaa ka hadlaya waxaa
uu yidh " *Xafladan caawa waxaanu ugu tallo galnay si codka inta aamusan loo
maqli lahaa, maxaa yeelay intabadan waxa hadlaa waa siyaasiyiinta kursiga ku
socoto oo media fariintooda u soo gudbiya, hadaba maadama oo aynu qaadanay
nimaad diqmuqraadi ah waxaa aasaas u ah in ummada masuuliyiinta ay soo
doortaan ay wanaagooga iyo xumaantoodaba sheegaan si hadhow ninka kale ee ka
dambeeyee uu xilka iska saaro oo uu ka baqdo in sidii kii ka horeeyey ama
jidkii kii hore lagu dhaliilay aanu marin.**
Caalamka horumaray waxay horumarka ay ku gaadheen marka ay dhagaysteen
tallooyinka ummada soo dooratay, qof walibana waxa uu sharaf iyo masuul ku
yahay bulshada oo haddii ay kalsoonida kala noqdaan inaanu waxba noqonayn,
waana inuu qofka masuulku ogaadaa in uu shaqaale u yahay shicibka oo uu
iyaga u shaqaynayo oo uu tixgeliyaa hadalkooga iyo waxay diidan yihiin, taas
ayuu qofku wax ku noqon kara.
Anaga tani waxay noo tahay talaabadii ugu horeeyey ee aanu cilmi baadhis
rasmi aanu ku samaynay kolay golaha deegaankan waxaanu u xulanay maadaama
shacabka meesha ugu badan ee cilaaqaadka wada shaqayneed leeyihiin ee
xidhiidhkoodu maalinla ah yahay oo ay dawlada hoose iyo bulshadu u wada
shaqayn lahaayeen si golahan waxii ka dhiman ee ay ku dhaliilayaan ay ugu
soo jeedin lahaa, iyo kuwa dambe ee iman doona waxay ka rabaan ee ay
talooyinka siinayaan, waxaa kale oo ku jirta masiibada inta badan ina
haysata ee had iyo goor dadku inagaga dhintaan ee Dhulka si xal kama dambeys
ah looga gaadhi lahaa xalkaas oo ka yimid dadweynaha ku dhaqan caasimada oo
aanu waydiinay talooyinka ay ka bixinayaan, sidoo kale iyana waxay dad
weynuhu ka cabanayeen sidii sanadkii hore loo soo doortay oo aan cadaan oo
waxaa doorkii hore la doortay xisbiyada , sidaa daraadeed in kuwan soo socda
wax laga badalo oo si toos ah ( one man one Vote) loogu codeeyey oo uu
golaha xeer dajintu wax ka qabto ayey soo jeediyeen..
Waxaa kale oo iyana ku jirtay in bal dadku waxay ka qabaan ee ay doonayaan
golahooga deegaanku intuu noqdo si dadweynaha taladooda loo dhagaysan
lahaayeen waxay doonayaan iyo waxaanay rabin, si hadhow haddii wax la
doonayo in la bedelo in aan afar ruux inta loo saaro aanay kaligood ka tallo
bixin oo go'aan iska soo saarin ee ay talada dadweynaha ee aanu ka sidno u
qaataan oo aan guddi iyo cid kale loo saarin.
Dadku waxyaalaha ay tabayaan ee loo baahan in wax laga badalo way badan
yihiin, dadku inbadan oo ku faraxsan arintan aanu waydiinaynay ayaa jiray oo
lahaa maanta ayaa la gaadhay in xalka la raadinayo dadweyanaha la waydiiyo
dadku inbadan way nagu taageertay hawshan tallo urursiga ah ee aanu wadnay,
runtiina waxaa ka soo baxay wax haddii la rabo in arimo badan oo khilaaf
dhaliya oo si fudud loo xalin lahaa waa haddii dadka la waydiin lahaa
xalkeeda oo la odhan lahaa arinkaa ka taliyo, qaarkoodna laba eray oo qudha
ayey boqolaal eray oo la qari lahaa ku soo koobayeen oo runtii ah wax aad
loo tixgeliyo.
Run ahaantii barnaamijkan haddii la taageero waa mid madaxdeena iyo
shacbigeena iskugu soo dhowaan karaan waa haddii loo arko dhanka positive-ka
oo sida caadada u inoo noqotay oo haddi barnaamij dadkan u dan ah la
bilaabo ay soo baxaan dad odhanaya aniguu iijeeday iyo cid kale ayaa ka
dambeysa, balse waa in loo arkaa in arinkani uu horumarka dalka uu ka
qaybqaadanayo isla markaana ay muhim tahay in madaxdu ay soo dhaweeyaan
feadbackyada ay dadweynuhu u soo jeediyaan oo ay ka qaataan talooyinka
fiican ee ay la aamusan yihiin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu saxaafadana uu u samayn doono ra'yi ururin
waxay dadku ka qabaan isagoo saxaafada ugu bushaareenaya waxaa uu yidhi "
Anigoo ka faa'iidaysanaya fursadan waxaanu warbaahinta ugu bushaaraynayno in
aanu iyagana u samayn doono, waxay dadku ka qabaan oo xarumaha warbaahinta
waxaanu halkan uga sheegayaa in aanu u samayn doono Surveyo ama rayi ururin
si dadweynaha iyo warbaahintu ay iskula jaan qaadi lahaayeen si ninka
suxufiga ee barnaamijka bulshada u soo gudbinayaa aanu wax uu jecel yahay
iyo rabitaankiisa ku dabaqin barnaamijkiisa, sidaa daraadeed si aanu
dimuqraadiyada horumarka wadanka u sii kobocdo waa in dhinac walba ay xil
iska saari lahaayeen si aynu aduunka horumaray uga dayan lahayn waxay ina
dheer yihiin, hadaba maadama oo warbaahinta ay tahay awooda ugu balaadhan
ee saamaynta ku leh bulshada, isla markaana warbaahintu tahay xidhiidhayaha
masuuliyiinta iyo dadweynaha si hadaba taasi u dhacdo warbaahinta iyo
suxufigu u noqdo mid tayo leh oo bulshada dhexdeeda laga qiimeeya, waxaanu
iyana doonaynaa in xarunta warbaahineed ee naga dalbada in aanu u samayno
survey-yo ay dadku ku muujiyaan rabitaankooga u soo gudbino si markaa ay u
dhacdo in xarun waliba ogaato akhristayaashooda, ama daawadayaashooga, ama
dhagaystayaashooga, isla markaana ay ogaadaan waxaa lagu dhaliilayo
barnaamijyadooda ay bulshada u soo tabiyaan. Halka ay dhalliisha ku
leeyihiin iyo dhanka ay ku wanaagsan yihiin labadaba." Ayuu ku soo xidhay
Guddoomiye Barkhad Maxamed Cumar.