HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dagaal xoogan ayaa maalintii 3aad ka socda Magaalada Xeebta ku taal ee Kismaayo, kaasoo ay isaga soo horjeedaan Maleeshiyo Deegaanka ah iyo Xoogaga Islaamiga ee Alshabaab.

Dagaaladan oo u muuqda kuwo sii xoogeysanaya ayaa geystay qasaare ballaaran oo dhimasho iyo dhaawacba ah, waxaana dhimashada ay tahay mid haatan caga cageyneysa ilaa Kontameeyo ruux.

Labada Dhinac waxay yihiin kuwo guulo kala sheeganaya, waxaana Dagaalada ay ka socdaan Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo.

Wararka Magaalada aanu ka heleyno ayaa sheegaya in Labada dhinac ay kala heleen gurmadyo xoogan, taas oo keentay in dhinacyadaas ay dagaalka ku sii dhiiradaan.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in guud ahaan Magaalada ka go'an tahay isgaarsiinta, waxaana la ogeyn sida uu yahay xaalka Magaalada uu ku sugan yahay, waxaase soo baxaya warar kala duwan oo dagaalada ku saabsan.

Saraakiisha hogaamineysa Maleeshiyaadka gacanta ku haaya Magaalada ayaa waxay sheegeen in ay Xoogaga Alshabaab ay ka saareen Magaalada, isla markaana ay iyagu hogaanka u hayaan.

Xoogaga Alshabaab ayaa u muuqda kuwa u suura gali la' inay dhinac u riixaan Maleeshiyaadka Beesha gacanta ku heysa Magaalada Kismaayo.

Ma jirto ilaa iyo hada waan waan laga dhex wado dhinacyada ku diriraya Magaalada Kismaayo, waxaana dagaalada ay galeen maalintii 3aad.
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.