HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Meydadka Ilaa Lix ruux oo ay si bareer ah u dileen Ciidamada Ethiopia ayaa laga helay Dhinaca galbeed ee Degmada Bardaale, kadib markii Ciidamada Ethiopia oo wadadaas ku socday weerar adag ku qaadeen Xoogaga Maxkamadaha.

Dadka ay laayeen ciidamada Ethiopia oo tiradooda lagu sheegay ilaa 14 ruux oo rayid ah ayaa la tilmaamay iney iskugu jireen dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato iyo beeraleyba iskugu jira, kuwaasoo ku sugnaa hareeraha goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ee ku yaala duleedka degmada Bardaale, waxaana dadkaasi lagu aasay xalay qabuure ku yaala isla degmada Berdaale ka dib markii ay goobta ka tageen ciidamada Ethiopia oo sii watay safarkoodii.

Ciidamada Ethiopia ayaa shalay xilli ay marayeen Dhinaca Galbeed ee Degmada Bardaale waxay la kulmeen dagaal xoogan kaasi oo qasaare u geystay Ciidamada, waxaana la soo sheegayaa in qasaaraha kadib ay bilaabeen inay shacabka ka aargutaan.

Afhayeen u hadlay Maxkamadaha ayaa sheegay in qasaare xoogan ay u geysteen Ciidamada Ethiopia waxaana uu tilmaamay in ilaa afartameeyo ay ka dileen.

Ciidamada Ethiopianka ee shalay dagaalka ku qabsaday ayaa la sheegay inay xalay gaareen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana la filayaa inay halkaas kaga sii gudbaan Degmada Doolow.
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.