HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Maxkamadaha Islaamiga oo Ciidamadooda dad masoomeyaal ah kusoo qabqabtay Degmada Jalalaqsi.

Posted: 9/6/2008 1:54:00 PM

 

Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga ah ee kusugan Degmada Jalalaqsi ayaa hawlgallo ay maanta ka sameeyeen degmadaasi waxa ay kusoo qabqabteen dad isugu jira masoomeyaal iyo kuwa qamaar cayaarayay.

 

Hawlgalkan ay maanta Ciidamada Midowga Maxkamadaha ka sameeyeen Gudaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay kusoo qabqabteen illaa iyo 7-ruux oo lasheegay in ay ahaayeen rag masoomeyaal ah iyo kuwa Qamaar cayaarayay.

 

Yuusuf Islow Cumar oo kamid ah dadka deegaanka ayaa shabelle u sheegay in xilliga dadkaasi lasoo qabqabanayay ay faraha kula jireen dambiyadasi lagu eedeeyay wuxuuna intaasi kudaray in dadkaasi lasoo xirxiray ladhigay Saldhig ay Ciidamada Maxkamadaha kuleeyihiin Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

 

Waxaa jiray dadweyna ay horey Maamulka Midowga Maxkamadaha ee gacanta ku haya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ay u jeediyeen dadka deegaanka oo ay uga digayeen waxyaabaha Sharciga Islaamka uusan ogoleyn.

 

Raggani 7-da ruux gaarayay ee ay soo qabqabteen Ciidamada Midowga Maxkamadaha ayaan la ogeyn waxa laga yeeli doono iyadoo maamulka Maxkamadaha Islaamka ay dadka ku xukumaan Sharciga Islaamka
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.