HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 

Ciidamadii Booliska Wanlaweyn oo la kala diray kadib markii degmadaasi ay gaareen xoogaga Al-Shabaab

 


Masuuliyiinta maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa kala diray ciidamadii booliska ee maamulkaasi kadib markii shalay waqti danbe ay degmadaasi gaareen xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Ulajeedka Al-Shabaab ay halkaasi u gaareen ayaa lagu sheegay in ay tahay in ay kala dhex galaan laba beelood oo degmada Wanlaweyn ku dagaalamay kuwaasi oo haatan wadahadal u billowday.

Ma jiraan wali wax howlgallo ah oo ciidamada Al-Shabaab ay ka sameeyeen Wanlaweyn iyadoona masuuliyiintii maamulka dawladda ee degmadaasi ay aqaladooda isaga sugan yihiin.

Saraakiil katirsan Al-Shabaab ayaa u sheegay wariye Cumar C/Qaadir oo ku sugan Wanlaweyn in ay dhameyn doonaan khilaafka labada beelood u dhexeeya,isla markaana ay ka bixi doonaan degmadaasi.




Maxamed Carab
 

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.