Roobab Mahiigaan ah ayaa xalay ilaa saaka si aan kala go'laheyn waxay ugu da'ayaan qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo roobabkan sidoo kale laga soo sheegayo Deegaanada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho.
Roobabkan oo da'aya in ka badan 10 saacadood ayaa saameynta ugu ballaaran waxay ku yeesheen dhaq dhaqaaqii Magaalada sida isu socodka gaadiidka iyo ganacsiga Magaalada, waxaana uu biyo dhigay wadooyinka Magaalada qeybo ka mid ah.
Inkastoo Roobabkan ay yihiin Raxmad Eebe ayaa ilaa iyo iminka la soo sheegin inay qasaare geysteen iyo in kale, iyadoo neecaawda roobka uu yahay mid dadka oo idil Hurdo dib ugu celiyay xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Gaadiidkii kala duwanaa ee saaka Magaalada Muqdisho soo geli jiray ayaa gebi ahaanba istaagay, sidoo kale waxaan jirin wax gaadiid ah oo saaka ka yimaaday Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Shabellaha Hoose oo deris la ah Magaalada Muqdisho, waxaana looga keenaa Qudaarta iyo Caanaha.
Sidoo kale Roobabkan waxay xayireen qaar ka mid ah ganacsigii ka jiray Suuqa Bakaaraha, iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah xilli suuqa uu yahay mid aad u kala socda, waxaana wadooyinka suuqa Bakaaraha lagu arkayaa biyo fara badan oo ay dhigeen roobabka ilaa iyo hada ka da'aya Magaalada Muqdisho.
Roobabka sida joogtada ah u da'aya ayaa waxaa ay saameynta ugu badan ku yeeshaan dadka barakaceyaasha ah ee aan heysan wax ay kaga hortagaan kuwaasi oo qaarkood ay horay caruur ugu dileen roobab sidan oo kale u da'ay, waxaana dadka oo ku jira Buushash aan awoodin inuu roobka celiyo ay heysataa xaalad nolol xumo