Maxaa iska Badalay Hargiesa 2000 Ilaa 2008
Runtii wadankii aad iyo aadbuu u horo maray oo uu qurux batay se waxaan soo jeedinaaya laba wax

Maxaa Iska Badalay Hargeisa 2000 Ilaa 2008 Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan madaxda Dawlada somaliland gaarahaan Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxweyne Ku xigeenka Ahmed Yusuf Yaasin wasirka arimaha gudaha C/laahi Ciro iyo dhamaan madaxda wadanka iyo ciidamada hubka sida dhamaantood waxaan leeyahay salaan qiimo badan ayaan hawada hargeisa ee caafimaadka qabta aan idiin soo marinayaa. Waxaanan arag wadankeeyga hooyo in ma badan 9 sanadood oo aan marwalba aan ku hamiyi jiray inaan tago se waxaay riyadii rumooday May 28 2008 oo aan ka daadag Ethiopia Addis ababa waxaan halkaa kula kulmay dad badan oo runtii iga nasiib fiicnaa waayo waxaay wadankooga hooyo ee Somaliland aay tagaan every year.
Waxaan dhageeystay laba yaryar oo oo runtii aabahood u sheekeynaya labadaa caruurahi waxaay isku darayaan markeey hadlayaan Denish iyo afkoodii hooyo every second waxaay aabahood oo calankii Somaliland ku xidhan Koodhkiisa dhinca xigta bidixda waaydiiyaan xiliga aay diyaarada Ethiopian ka duulayso, waayo kuwa yaryari ma sugi karaan inteey Hargiesa ka daadagayaan oo aay runtii mustacajal aay u ahaayeen waxaan da,dooda ku qiyaasay 10 ilaa 12 inta u dhexeeysa. Waxaa kolba dib loodhigo diyaaradii Ethiopian airlane waxaanu ka duulanay Addis Ababawaxaan nabad qabku fadhiisanay Egal Airport Hargeisa Somaliland goor ku dhoow shantii iyo badhkii markaa alaabkii diyaarada lanaga furay waxaa kasoo gashay albaabkii Hawadii macaaneyd ee lagu yaqaanay Dhulkeena Hooyo Alle hadaayee.
Waxaa nooyimid madaxda ama sariikiishii Airport oo na salaamay noogu soo dhaweeyay Egal Airport waxaan badi dadka indhahooga kusoo is istaagtay ilmo qiireeysan oo dadka qaar aay ilmada iska masaxaayeen oo duceeynaayay oo mahadinaayay Rabigeena sharafta leh ee nugu soo beegay Hargeisa oo xaley oo dhan roob ka da,aayay oo barwaaqo ah.
Waxaad arkasyaa dadbadan oo sugaaya dadkoodii oo faraxsan waxaan kaloo mahadiyaa rabi markaan arkay labadii yaryaraa oo kolba dhinac u ordaaya oo ciidanka Airport kuna leeyahay daaya caruurta wadankoodii beey yimaadeenee intaa dabadeed waxaanu u baxnay udihii hargeisa. Waxaan akhriyay qore markusoo qoray maqaal hargiesa lahaa waxaay leedahay wadooyin xunxun qofkii dhabar xanuun lihina waa in uu suunka xidhaa.
Horta waxaan odhan lahaa baqashii fardaha la daaqdaa faras beey is moodaa markaa hadii aad wadankii sidaa aad u arkaysay uu yahay muwaadin maxaad wax uga qaban waaydaa ma waxaad tahay kolba kuwa jaad iyo baadhi u taga somaliland ee hablaha yaryaree wadanka jooga baabiiya. Waxaan arkay daaro dhaadheer oo aad u qurux badan iyo bilic badan oo aan la dhacay waxaanse la yaabay markaan arkay hargeisa oo aroortii ilaa habeenkii traffic jum ka dhaco oo policeka intuu soo dhexgalo halkuu jumku ka dhacay kala hagaaya waa gaadhiyaal toyoto Mark II ah oo light casriga korka u saaranyahay bal muwadinoow waxaad is babar dhigtaa ka waxa xun ka sheegaaya wadanka iyo ka waxaa ugu deeqaaya waxaad arkaysaa baabuur aay ugu deeqaan qurba jooga reer California usa iyo kaas ciyaarta u tagaaya ee hadii meel yaroo goda uu arko aanu wax iskaa wax u qabso aanu ku dhiseyne wax dhaleeceynaaya.
Runtii wadankii aad iyo aadbuu u horo maray oo uu qurux batay se waxaan soo jeedinaaya laba wax yaalood oo muhima oo in wadankaa laga qabto u baahan qurba joog iyo ka wadaka gudihiisa joogaaba in aanu badalono magaca Somaliland oo runtii meel kastood tagtid cagaha ku haya marmarka qaar ee aad ajaanibka u sharaxaysid wadankeena waxaa dhibaato runtii noqota in aay ka saari waayaan somaliland iyo somalia markaad tidhaahdina waa kala duwanyihiin aay ku odhanayaan miyaad magaca iska badashaan oo runtii markaad eegtidna runtood ah, markaa waxaan leeyahay yar iyo weynba intaan iska dhaafno kana xisbaga galool ah iyo kanaa sogsoga ah aanu ku tuuntuunsano sidaanu magaca iskaga badalilaheyn muwaadinoow. Talabaad walaalayaal hadii wadanka qof tagaayo waa in qofkaasi uu waxa uu yaqaano uga soo faaiideeyaa dadkeena iyo dalkeena somaliland for example hadii aad taqaanid xisaabta uga faaiidee dadkaaga intaad kolba gidaar aad ku qayileysid please waayo aakhiro waa fiicantahay ifkana waay kuu fiicantahayoo ardaygii aad waxyar bartaa waa midaan ku iloobeeyn se please halaga joojijo dadka dhaqanka xun wada ee la imanaya wadanka. Rabina waxaan ka baryayaa kuwa ceebta wadanka jecel een jecleeyn in aa wadankooda wax u qabtaan in wanaagiisa uu tuso mahadna waxaan u soo jeedinayaa dhamaan madaxwadanka ciidamada wadanka iyo dhamaan muwadiinta sanad walba usoo xagaa baxa wadanka oo aan leeyahay wax tara wadankiina hooyo waayo lama huraan waa caws jiilaal.
Idiris abdi biirshe
biirshe@yahoo.com
Minnesota