Maxaakiimta Islaamiga hogaankooda Sare ee gudaha Dalka Soomaaliya ayaa gees iska Taagay Khilaafka u dhexeeya Masuuliyiinta Maxaakiimta ee ku kala sugan Eritrea iyo Jabuti oo hadda wada hadalo uga socda qeyb ka mid ah Maxkamadaha iyo Dowladda Federaalka.
Kulan u socday mudo 5 maalin ah isla markaan ay isugu yimaadeen Golaha Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Sida wararka sheegayan ujeedada kulankan loo qabtay ayaa waxay ahayd go'aan ay Madaxda Maxkamadaha Islaamiga ku sugan gudaha dalka uga qaadan lahaayeen khilaafka u dhaxeeya xubnaha Jabuuti iyo Ereteriya ku kala sugan,dood dheer kadib waxaa ka soo baxay kulankaasi go'aamo lagu sheegay Muhiim.
Sheekh C/qaadir Cali Cumar gudoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxaa uu warbaahinta u aqriyay qodabadii ku qornaa bayaan ay ka soo saareen kulankaasi waxaana uu sheegay in kulankaasi uu ku soo dhamaaday is afgarad ah waxaana qodobada ka soo baxay ka mid ah.
In Midnimada Maxaakiimta Islaamiga uu yahay mid muqadis ah.
In wax saameeyn ah uusan ku yeelan Xoogaga Maxaakiimta Islaamiga qilaafka soo kala dhex galay madaxda Sar Sare ee Maxaakiimta islaamiga.
In la adkeeyo heshiikii Maxaakiimta Islaamiga Ay ku gaareen Magaalada Sanaca ee Dalka Yemen .
In Culumaa'udiinka Soomaaliyeed la aruuriyo si ay uga qeyb qaataan Xalinta Khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed isla markaana ay u sii anba qaadaan Heshiiskii Sanca.
In aaneey taageerin wax ka baxsan heshiikii Sanca ee ka soo baxa shirarka ka kala soconaya Jabuuti iyo Asmara
Kulankani oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen ergo gaareeysay 78 xubnood isla markaana ka kala yimid gobolada dalka ayaa waxa ay dhamaantooda isku wada raaceen in la dhaqan galiyo qodobada ka soo baxay kulankaasi isla markaana la adkeeyo Wada Jirka Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed