HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 

5 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ku meelgaarka ah oo maanta iyo xaley lagu kala dilay deegaanno ka kala tirsan Shabeelada Hoose iyo Banaadir.

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelada Hoose ayaa sheegaya in 4 askari oo ka mid ah askartaasi ay ku dhinteen deegaanka ceel wareegoow gobolka shabeelada Hoose ka dib markii uu dagaal ciidamadaasi iyo kuwa mamaulka shabeelada hoose uu dhaxmaray.

Wararka halkaasi ka imaanaya ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada dowladda fedaraalka ee dagaalkaasi ka qayb galay ay ayaan kuwo tiro ahaan aad uga yar kuwa mamaulka Shabeelada Hoose.

Dagaalkaan oo aan la garanaynin sababa horseeday ayaa warku waxaa uu intaasi ku daraya in ciidamadii watay dariiska Ciidmada Dowladda fedaraalka laga qabtay 4 askari oo kale.

Saraakiil ka tirsan dowladda fedaraalka oo saxaafaddu wax ka waydiisay dagaalkaasi ayay ku jawaabeen in aanay waxba ka ogayn arrintaasi aysanna jirin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fedaraalka oo halkaasi tagay ama dagaalka qayb galay.

Marka la eego wararka is khilaafsan ee dagaalkaasi la xarira kana kala soo baxaya maamulka Gobolka shabeelada Hoose iyo dowladda fedaraalka ayaan ilaa iyo hadda waxaan kala caddayn qaabka dhab ahaan ay arrintu tahay.

Dhinaca kalana hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda fedaraalka ayaa maanta lagu dilay xaruntii gurigii shaqaalaha qarankii Soomalaiyeed ee Magaaladaan Muqdisho

Dilka askarigaan ka dhacay gurigii shaqaalaha qarankii Soomaaliyeed degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho oo tirade askarta dowldda fedaraalka oo maanta iyo xalay lagu kala dilay deegaanno ka kala tirsan shabeelada hoose iyo Banaadir tiradooda guudna ay 5ta noqonayso ayaa muujinaya heerka colaadeed ee ka taagan dalka iyo sida ciidamada Dowladdu ay maalinkasta u dhimayaan marka laga soo gudbo dilka shacbiga oo heer xasuuq lagu tilmaamo.

Wali wararka la xariiray ciidamada dowladda fedaraalka ayaan ku jirnaaye wararka ka imaanaya degmooyinka Xamar jajab iyo Xamar wayne ayaa sheegaya in baaritaanno maanta ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda fedaraalku ka sameeyeen deegaanno ka tirsan degmooyinkaasi ay ku soo xir xireen in ka badan 20 qof oo rayad ah ,kuwaasi oo aan la sheegin wax dambi ah oo ay gacanta kula jireen amaba sababi kara in xorriyaddooda laga qaado.

 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.