Isbaheysiga dib u xoreynta Garabka Asmara oo sheegay in uu jiro qorshe lagu kala jebinayo Muqaawamada Gudaha.
: ASMARA
Isbaheysiga dib u xoreynta Garabka Asmara ayaa sheegay in uu jiro qorshe lagu kala jebinayo Muqaawamada ka dagaalama gudaha Dalka Soomaaliya.
Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar oo kamid ah Mas’uuliyiinta isbaheysiga dib u xoreynta garabka Asmara oo Maanta khatka talefoonka uga qeyb galay Muxaadaro lagu qabtay mid kamid ah Masaajidyada Muqdisho ayaa sheegay in uu jiro qorshe lagu doonayo in gorgortan lagula galo qaar kamid ah ragga sida weyn loogu yaqaano Hoggaanka Islaamiga ah si loo wiiqo Awooda Muqaawamada ka dagaalanta Gudaha Dalka.
Waxa uu sheegay in arrintaasi loo baahan yahay in ay ka feejignaadaan dhammaan xoogaga dagaalka kula jira Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale sheekha ayaa waxa uu sheegay in hawshan looga golleeyahay sidii magac loogu sameyn lahaa bixitaanka Ciidamada Itoobiya oo uu sheegay in jab xun uu gaaray sidaasi daraadeedna ladoonayo inay dadka marin habaabiyaan.
Hadalka Dr.Cumar Iimaan ayaa ah mid u muuqda heshiiskii dowladda federaalka iyo Mucaaradkeeda ay ku gaareen Dalka Jabuuti kaasoo sababay kala jabka Xubnihii isbaheysiga dib u xoreynta, waxaana hadalkiisa uu kusoo beegmayaa xilli xubno katirsan Isbaheysiga uu xubinta ka yahay ay heshiis la saxiixdeen Dowladda Federaalka.