Mooshin ka dhan ah Xukuumara Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa markii u horeysay maanta laga hor aqriyay Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona Xildhibaano gaaraya ilaa 90 ay soo gudbiyeen qoraalka Mooshinka.
Kulankii maanta ee uu Baarlamaanka ku yeeshay Magaalada Baydhabo ayaa Xildhibaanada loogu qeybiyay qoraalka Mooshinka, waxaana lagu wargeliyay inay muddo 24-saac ku soo aqristaan, si maalinta berri looga doodo.
Xildhibaan Cali Cabdulaahi Cosoble oo Xildhibaanada Baarlamaanka u aqriyay qoraalka Mooshinka ayaa u cuskaday kalsooni kala noqoshada Xukuumada Nuur Cadde qodobo dhowr ah Sida amaanka Dalka oo faraha ka sii baxay, Magaalooyiin iyo Degmooyin Dowladda gacanteeda ka baxay, kuwaasi oo ay maamulaan Xoogaga ka soo horjeeda, Miisaaniyad la'aanta Dowladda, ku takri falida Hantida Qaranka, wuxuuna sheegay in dhamaan qodobadaas ay yihiin kuwo ay ku heystaan Xukuumada isla markaana ay kalsooni kala noqon doonaan.
Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka oo Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo shir gudoominayay Kulankii maanta ayaa sheegay in ilaa 5 xildhibaan ay usoo gudbiyeen in laga been abuurtay, kuwaasi oo sheegay inay ahaayeen Xildhibaanadii soo gudbiyay mooshinka.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo xilligan u muuqdo kuwo labo firkradood kala aamisan ayaa ah kuwo u kala hiilinaya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, waxaana ay yihiin kuwo is khilaafsan, iyadoona Magaalada Baydhabo ka socdaan dhaq dhaqaaqyo xoogan oo iska soo horjeeda.
Dooda Mooshinkan ayaan la ogeyn sida ay ku dhamaan doonto, xilli Madaxda Dowladda ay ku sugan yihiin Magaalada Addis Ababa, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto Mustaqbalka Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo haatan u muuqda mid dhinaca Baarlamaanka ka heysta culeys dhinacyo kala duwan leh, taasi oo ku qotonta waxqabadka Xukuumadiisa