Qarax xoogan ayaa ka dhacay maanta Gudaha Magaalada B/weyn, iyadoo qaraxaas uu ahaa mid qasaare u geystray Ciidamada Ethiopianka.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan dhaliyay dhimashada Labo Askari oo Ethiopian ah kuwaasi oo lala helay qaraxa, waxaase rasaas ka dambeysay qaraxaas ay haleeshay dad rayid ah.
Ciidamada Ethiopianka ayaa sidoo kale waxay qab qabteen dad aad u fara badan, kuwaasi oo ay kual dhaqaaqeen xarumahooda ay ku leeyihiin Magalaada B/weyn.
Inkastoo Xaalada ay haatan tahay mid degan, hadana waxaa taagan dareen cabsi ah oo ku aadan xaalada nolosha dadka ay wateen Ciidamada Ethiopianka markii qaraxa lala eegtay.
Magaalada B/weyn ayaa mudooyinkan waxay aheyd mid uu ka taagnaa loolan xoogan, waxaana magaalada ka dhacayay dagaalo isa soo taraya oo u dhaxeeya Ciidamada Ethiopia iyo Xoogaga Hubeysan ee ka soo horjeeda