Dowlada Ingariiska oo Qoxooti Soomaali ah ka soo musaafurisay dalkeeda
Dowlada Ingariiska ayaa 2000 labo kun ku dhawaad oo Soomaali ah ku soo mustaafirin
doonta
mudo labo bil gudahooda.
Waaxda Arimiha Dibada ayaa waxaa ay shaacisay in labo bilood gudahooda ay ku mustaafirin doonto 1999 qof oo Soomaali ah kuwaasi oo mustaafirin doono Magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya,halka qaar kalena loo celiyay dalka K/Africa kadib markii magaalada Muqdisho loo arkay in ay tahay mid aad u liidata xaga ammaanka marka loo eego wadamada Aduunka.
Dowladii uu hor kacayay Ra’isul wasaarihii hore ee Dalka Britain Toni Blair ayaa waxaa ay biloowday qorshe dib dalkoodi loogu celinayo Qoxootayada Aduunka ee ku nool Dalkaasi.
Waxaada arimaha Dibada ayaa waxaa ay shaacisay in sanadkii tagay Dhamaadkiisa iyo kan Bilowgiisa ay dalkaasi ka saartay dad fara badan oo qoxooti ahaa kuwaasi oo u badnaa Soomaali kadib markii sida ay sheegtay ay dadkasi u aragtay in dhibaato ay ku yihiin dalkaasi.
Wargeeyska The Guardian oo ka soo baxa dalkaasi ayaa lagu daabacay in xafiiska Arimaha gudaha ee wadanka Britain in uu isku dayayo sidii loola tacaali lahaa dadkaasi waxaana dadka la soo celiyay la sheegay In loo diiday in la siiyo Basaboro iyo waraaqo aqoonsi ah oo dalkaasi ay ku joogi lahaayeen.