HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Dagaalkani oo bilowday saakay aroortii hore intii aysan dadka ku dhaqan Xaafadaha kala duwan Magaalada soo aadin Suuqyada Magaalada ayaa waxa uu ku bilowday qaraxyo iyadoo qaraxyadaasi kadibna uu dhacay dagaal fool ka fool ah oo ka dhacay Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan wadada KM4 iyo Xoogaga Ururka Al-shabaab ayaa isweydaarsaday rasaas aad u xoogan, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshey guud ahaan wadada KM4 ee Makka Al mukarrama iyadoo dhaq dhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ee wadadaasina aanu saakay shaqeyneynin.

Dhawaaqa Madaafiicda waa weyn ayaa laga maqlayay guud ahaan Magaalada maadama jawga uu ahaa mid degan, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkaas.

Dagaalkaasi ayaa waxaa barbar socday Madaafiic la isweydaarsanayay, waxaana madaafiicdaasi qaar kamid ah ay ku dhaceen xaafado ay degan yihiin dad rayid ah,waxaana la sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay ilaa iyo 7 ruux dhaawacna uu gaarayo ilaa iyo 10 ruux.

Waxaa kamid ah goobaha ay Madaafiicda kusoo dhaceen agagaarka Taleex, inta u dhaxeysa Zoope iyo KM4 iyo xaafadaha kudhaw, waxaana dadkaasi loola cararay dhanka Isbitaallada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika oo dagaalkaas ka hadashay sidoo kale xoogaga dagaalka ku qaaday fariisamayaasha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya iyagana kama hadlin dagaalka
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.