HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 Waxaa isa soo taraya dib ugu noqoshada wasiiro horay loo shaaciyay in ay is casileen, kuwaasoo sida la sheegay soo wakiishaday Xubnaha kale ee Saxaafada u sheegay in ay is casileen.

Ilaa afar Wasiir ayaa la xaqiijiyay in aysan wali soo gudbin wax is casilaad ah, waxaana Wasiiradaas ay ahaayeen kuwo dibeda ku maqnaa, xilliga ay ku dhaawaqayeen is casilaada Wasiirada kale ee ku sugan Muqdisho.

Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibeda Cali Jaamac Jengli iyo C/risaaq Ashkir Wasiirka Dib u Heshiisiinta ayaa la soo sheegayaa in ay ka laabteen is casilaadooda, kadib markii la sheegay in warqada is casilaadooda ku soo gudbiyeen Emailo, sida ay horay ugu dhawaaqjisay Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid aheyd Wasiiradii is casilay.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa laga cadeeyay in Ilaa afar Wasiir oo safar dibeda ku maqnaa aysan soo gudbin wax istiqaalad ah, marka laga reebo Xubnaha Muqdisho ku sugnaa ee is casilay ay ku darsadeen.

Sida muuqata Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Avv Ceydiid Ilka Xanaf oo ahaa hormuudka Wasiiradii is casilay ayaa looga baxay qorsha is casilaadiisa, waxaana ay noqdeen labada kaliya ee shalay xilalkooda uu Ra'iisul Wasaaraha u magacaabay shaqsiyaad kale.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in aysan soo gaarin is casilaada afar wasiir, laakiinse uu ku maqlayay wararka duul duula, isagoo sheegay in hadii ay soo gudbiyaan waraaqda istiqaalade uu magacaabi doono, si Golihiisa Wasiirada ay u buuxsamaan
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.