HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta Garabka ku sugan Jabuuti ayaa wada hadalo kula leh Magaalada Qaahira Ururka Jaamacada, kadib markii Mas'uuliyiinta Isbaheysigaas ay booqasho rasmi ah ugu bilaabatay Dalka Masar.

Wararka waxa ay leeyihiin qodobada labada dhinac ay ka wada hadlayaan waxaa ka mid ah hergelinta heshiisyadii la gaaray iyo sida loo xaqlin karo khilaafyada u dhaxeya garabyada Isbahaysiga.

Daahir Maxamed Geelle, oo ka mid ah xubnaha wafdiga Isbaheysiga ayaa ka warbixiyay socdaalkooda ayaa waxaa uu sheegay in uu qeyb ka yahay safaro kala duwan oo isbaheysiga uu sameyn doono oo isla markaana ay uga gol leeyihiin in lagu meel mariyo nabadda Soomaaliya.

Wafdigan ka socda garabka Jabuuti ee isbaheysiga dib u xoreynta dalka oo dhowr maalmood booqasho ku sii joogi doono wadanka Masar ayaa waxaa uu sheegay Mr. Daahir in ay kala hadli doonaan madaxda wadankaasi sidii loo meel marin lahaa qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti.

Maalinimadii shalay ayay aheyd markii Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif ay booqasho ku tageen Dalka Masar, iyadoo Booqashada tahay mid ku qotonta siyaasada Isbaheysiga Dib u Xoreynta, waxaana socdaalka Sheekh Shariif uu noqonayaa kii u horeeyay ee uu ku tago Qaahira, tan iyo markii Xubnaha ku sugan Asmara ay xilalka ka qaadeen
 
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.