HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
Biriish Isku Xidhaya Qaaradaha Asia Iyo Afrika Oo Dhismihiisa Laga Bilaabay Djibouti  

Saturday, 02 August 2008

Djibouti- Iskaashatada Bariga dhexe ee horumarinta oo laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa dhowaan ku qabatay dalka Jabuuti xaflad lagaga dhawaaqay bilaabidda mashruuc lagu dhisayo biriish isku xidhaya labada qaaradood ee Asia iyo Afrika.

Djibouti(Geeska/Moheet)- Iskaashatada Bariga dhexe ee horumarinta oo laga leeyahay dalka Sucuudiga ayaa dhowaan ku qabatay dalka Jabuuti xaflad lagaga dhawaaqay bilaabidda mashruuc lagu dhisayo biriish isku xidhaya labada qaaradood ee Asia iyo Afrika. Mashruuca lagu dhisayo biriishkan oo loogu talo galay in uu ka tallaabo badda cas waxa garab socda qayb kale oo isla marshuucan ah laguna doonayo in lagu assaaso magaalo warshadeed isla markaana ah meel loo dalxiis tago oo noqonaysa biriishka dhankiisa jabuuti xigta iyo isla qayb kale oo magaaladan ka mid ah oo noqonaysa daanta xigta dalka yemen.


Mashruucan waxa loog talo galay lacag lagu qiyaasay inta u dhexaysa 15 illaa 20  Bilyan oo doolarka Maraykan ah. sida ay wararku sheegayaan waxa mashruucan si wada jir ah xadhiga uga jari doona raysal wasaaraha dalka Jabuuti Dilayta Maxamed Dilayta iyo Sheekh Daariq Ibnu Laden oo ah agaasimaha fulinta ee shirkadda loo yaqaano Iskaashatada beriga dhexe ee horumarinta. Dhanka kale wargeyska ka soo baxa dalka Sucuudiga ee ALWADAN ayaa qoray in sida lagu wado uu mashruucani socon doono muddo u dhaxaysa 7 illaa 9 sano, Biriishkan ayaa dhererkiisa lagu sheegay 28 km iyo badh waxaanu ka gudbi doonaa kadin badeedka loo yaqaanno Baabu Mandab. Sida la og yahay Sh. Daariq binu Laden oo ay walaalo yihiin hoggaamiya shabakada Alqaacida Sheekh Usama binu Laden ayaa dhowaan ka iibsaday dalka Yemen  dhul lagu qiyaasay 1500 oo kilo Mitir, isla markaana dhanka jabuuti waxa uu ka iibsaday dhul lagu qiyaasay 50okm.  Dhulkan oo uu ugu talo galay in laga dhiso labada magaalo ee ku kala ooli doono labada daraf ee Biriishka. Dadka mashruucan qiimaynaya ayaa sheegaya in uu mashruucani kor u qaadi doono horumarka dhaqaale ee dalalka yemen iyo Jabuuti. Waxa kale oo uu sidoo kale qayb weyn ka qaadan doonaa fududaynta isu socodka dalalka Bariga Afrika iyo dalalka Jasiiradda carabta. Waxa uu si gaar ah wax uga tari doono xidhiidhka ganacsi ee dalalka Geeska Afrika iyo Dawladahan carbee, iyada oo lagu wado in xoolaha ka tagaGeeska Afrika laga deyn doono badda oo ay mari doonaan jidhkan barriga ah. Bishii March ee sanadkan ayaa ay ahayd marki Sh. Binu Laden iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kala saxeexdeen mashruucan

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.