Maxkamadaha islaamiga oo sheegay in ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya
Maxkamadaha islaamiga ayaa sheegay in ay maanta isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia.
Sida uu idaacada shabelle u sheegay Afjhayeenka howlgalada Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed Shiikh C/raxiin Ciise Caddoow 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia ay maanta isku soo dhiibay xoogaga dowlada ka soo hor jeeda gaar ahaan kuwa maxaakiimta kadib markii ay u gagsan waayeen dhibaatooyinka lagu hayo shacbkooda sida uu sheikh C/raxiain Sheegay.
Max’ed C/qaadair oo la sheegay in uu ka tirsanaa ciidamada Maxaakiimta u soo goostay ayaa sheegay In uu ka tirsanaa ciidamada dowalada ee ku suganaa xaafada Carafaat waxaana uu intaa ku daray in markii hore lagu qalday oo loo qaaday qaab wax barasho isla markaana la geeyay magaalada Baydhabo loona sii gudbiyay Dalka Ethiopia oo ay kala kulmeen dhibaatooyin fara badan iyo tababaro aysan u gagsan kari.
Askarigaasi ayaa waxaa uu sheegay in ay go’aansadeen in ay ku soo biiraan dadka Soomaaliyeed ee aan la shaqeeyn cadawga Soomaaliyeed sida uu shegay.
Max’ed C/qaadair waxaa uu sidoo kale sheegay in uu abaari doono halkii markii hore uu ka yimid oo usan mar danbe dib ugu laaban dooni Ciidamada uu ka soo goostay.
Ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowlada Gaar ahaan taliska Mileteriga oo ciidamadani la sheegay in ay ka soo baxsadeen