HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


 

 
u diyaar garaw xooggan oo loogu jiro soo dhawaynta bisha ramadaan oo aad looga dareemayo dalka Djibouti


Djibouti:-iyadoo ay gabagabo tahay bisha shacbaan oo ay ka hadhsantahay in laba toddobaad ah oo kaliya ayaa waxa sida caadada ah aad looga dareemayaa dalkan djibouti tabaabulsho iyo diyaar garaw aad u wayn kaasoo lagu soo dhawaynayo bisha ramadaan ee barakaysan oo innagu soo fool leh
sicir barar aad u weyn ayaa laga dareemayaa suuqyada ugu waaweyn magaalada djibouti iyo magaalooyinka kale ee dalka djibouti kaasoo aad usaameeyay dadka maxaysatada ah ayaa haddana la arkayaa dad ku urursan oo safaf ugu jira dukaamada laga iibsado dhammaanba waxyaabaha quutal daruuriga ah ee sida gaarka ah loo isticmaalo bisha ramadaan

masaajidada ayaa iyagana ay aad uga muuqataa soo dhawaynta bisha ramadaan waxana la arkayaa iyadoo dayactir lagu samaynayo gudaha iyo dibada masaajiadada si loogu alla baryo bisha qiimaha badan ee innagu soo socota

dadka ku nool dalka djibouti ee aan u dhalan gaar ahaana kuwa ka yimid dalalka musliminka ah ayaa iyaguna la socda soo dhawayntaasi bisha ramadaan waxana ay kala qayb qaadanayaan dadka reer djibouti ah isku diyaarinta iyo la kulanka bisha barakaysan ee ramadaan

waxana ay dhamaantood sugayaan sidii ay ilaahay u baryi lahaayeen bisha cibaadada iyo dambi dhaafka leh ee innagu soo dhaw
  
 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.