HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 
 Dhowr iyo toban shir oo dib u heshiisiineed ayaa Somalia loo qabtay ,sida
lawada ogsoonyahayna natiijooyinkii kasoobaxay dhibaato mooyaane wax wanaaga
oo ay ummada kusoo kordhiyeen lama arrag.Shirakaa dhamaantood waxa laga
dhaxlay oo ay horseedeen dhibaatooyin kaba darran tii waqtigaa lagu jiray
furdaaminteeda iyo xal u raadisteeda.Shirka imika loo ololeynayo in la
qabtaana ,sida uu u eegyahay ,natiijadiisu uu kasii liitaa kuwaa hore ee
lagu hungoobay.

Waxa haboon in aadamuhu ka faa`iideysto waayaha iyo khaladaadka soo mara oo
uu ka baydho hillinkii hore u hoday .Nasiib darrose taasi kama muuqato
sansaanta maanta loo wado shirkan oo wuxu durbaba dhabada saaray jidkii hore
loogu halaagmay.Hadaba hadii rajo laga damacsanyahy in ummaddan laga
badbaadiiyo dhibaatada, oo xagga nabadda iyo horumarka loo raro ,waxa haboon
in hoos loogu fiirsado qodobo ay ka mid yihiin kuwa aan hoos ku taxay:

•  Marka ugu horeysa cidda loo xil saarayo abaabulka shirka dib u
heshiisiineed waa in looso xulaa qof ku haboon oo ka fayow aafada ummadda ku
habsatay ,oo aan isagu hore qeyb uga aheyn mashaakillada heysta
ummadda.Nasiib darro ninka shirkan maamulkiisa iyo hawlihiisa hogaaminayaa ,
Mr Cali Mahdi ,maaha nin u qalmo oo dhexdhexaad ka noqon kara shir ay Somali
isugu imaneyso.Cali waa ninkii Siyaad Barre magacaabay ee khudbadiisii ugu
horeysay godka ku riday rajadii la filayay taliskii Siyaad
dabadii.Waaninkii dafiray guushii ay lahaayeen jabhadihii xaq u
dirirka ahaa ee
taliskaa mucangaga ahaa wadanka ka xoreeyay. Cali mahdi waa ninkii shacab
walaalihii ah oo la laynayo ku tilmaamay in aanay dadkiisii aheyn.Cali mahdi
waa qabqable degaal oo sobobtiisa awgeed ay leedeen dad aad u tira
badani.Cali Mahdi waa ninkii shirkado ajanabi ah kula heshiiyay in ay sun
dhulkiisa ku aasaan badaalkeedana faro guudkood lacag u saaraan. Haddii run
la doonayo ninka taariikhdiisu sidaa tahay ma noqon karaa nin wanaag ka
shqeynaya oo Somali la jecel in la badbaadiyo? Cali mahdi wuxu istaahilaa in
maxkamad lasoo joojiyo oo la weydiiyo dakii uu dagaaladaa macno darada ah ku
dilay.

•  Kolka la doorto cidda ku haboon in shirka ay qabanqaabiyaan waa in la
isla gartaa oo la suntaa cidda la heshiisiinayo ee ishaysata. Kol haddii la
isla gartay oo lawada ogolyahay in shir dib u heshiisiineed oo taami dhacayo
waa in wax dawlad layidhaa meesha ka baxaa.Waa in dawladda aynu ognahay in
ay reer tahay caga laabataa oo caakamku ogaadaa in ay tahay dawlad reer
leeyahay oo ummadda kale dooneysa in ay kaga aargoosato oo gumeysato. Beesha
magaca dawladnimada huwanna, waa la iswada garanayaaye waa in ay
degaankoodii ku noqdaan oo Majeertenia iska tagaan. Intaasu kolka ay dhacdo
ugu horeyn waa in heshiisiinta laga bilaabaa beelaha dega Xamar ee walaalaha
ah dhexdooda..Kolka xamar inta degtaa ay heshiiyaan ha loo gudbo shir ay
beelaha Somalia (Somaliland kuma jirto) oo dhami ay isugu yimaadaan.Waa in
beesha ina Yuusuf ee kolna dawladnimo ayaanu shirka uga qeybgalaynaa, kolna
beelnimo aan laga yeellin sidaa..Kolka ay beeluhu guud ahaan heshiiyaan
haloo guda galo dhismihii dawladnimo iyo qaabkeedaba.

•  Dawladnimada kolka lagu jiro dhismaheeda waa in laga guuraa oo la
xabaalaa kootada *4.5 ee XAARAANTA *ah. Kootadaa loo qeybiyay beelaha
Somaliyeed waa khiyaamo ay wateen reerka u bartay in had iyo jeer ay helaan
qeyb aan xaqooda aheyn.Beelaha somaliyeed isku dheelitirkooda iyo
tiradoodaba waxa la ogaan karaa marka la sameeyo tirkoob guud oo cadaalad
ah.Inta aan taasi dhicin koota kasta oo lasoo macmalaa waa xaaraan .
Khaladkaasuna wuxu ka mid yahay sobobaha ay kol walba u cakirmayso xalka
somalidu.

•  Waa in laga digtoonaada shirka in ay kasoo qeyb galaan cid aanu
khuseeyn,Sida kuwa aan cidna matallin oo sheegta in ay Somaliland ka
socdaan.Kuwaasu waa kuwa cadaawadda iyo neceybka idiinkasoo jiidaya shacabka
iyo dawladda walaalihiina ee Somaliland .Waxa iyana jira oo in laga mamnuuco
ah shirarka Somalia kuwa ka socda ismaamulka Somalida ee Ethiopia oo shirka
qas iyo walaaquun ku kordhiya.

*Gunaanad. *

Haddii aan la lafa gurrin oo aan laga baydhin khaladaakii sobobay in
shirakiii hore fashilaad ku wada dhamaadaan wax hagaagayaa ma jirayaan oo
fadhigiinu wuxu noqonayaa hal bacaad lagu lisay.

Ilaahow ummadda somaaliyeed u gargaar oo hogaan wanaagsan talda
gudoonsii.AAMIIN!!!

Wa Billaahi Al Tawfiiq.
Ali Aw Hussein

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.