Somaliland oo sheegty in cidii magacooda uga qeyb gasha shirka dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliya uu yahay nin galay Qiyaamo Qaran
Somaliland ayaa maanta war cad ka soo saaray ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Qaranka Soomaaliya, kaasoo shalay uu ku dhawaaqay Cali Mahdi uu furmay wejigii ugu horeeyey ee shirka.
Kulan
ay maanta isugu
yimaadeen golayaasha
wakiilada, guurtida iyo
xukuumada maamulka
Somaliland ayay
gabogabadii ku sheegeen
in maamulkoodu aanu qeyb
ka noqon doonin shirka
dib u heshiisiinta
Soomaalida isla markaana
aaney qorshaha ugu jirin
inay ergooyinkooda u soo
dirsadaan, waxayna
go’aamiyeen in cidii
shirkaasi uga qeyb gasha
magaca Somaliland ay u
arkayaan shaqsi ka galay
maamulkaasi Qiyaano
Qaran.
Guddoomiyaha golaha
guurtida Somaliland
Suleyman Maxamuud Aadan
ayaa sheegay in
maamulkooda ay ka jiraan
saddex gole oo kala ah,
guurtida, wakiilada iyo
wasiirada, isla markaana
aaney jirin cid kale oo
sheegan karto gole
Somaliland.
Wuxuu sidoo kale sheegay cod ay u qaadeen maanta ka qeyb galka shirkaasi ay cod caqlabiyad leh ku go’aamiyeen in la cambaareeyo hadalada ka soo yeeray guddoomiyaha gudiga shirka dib u heshiisiinta mudane Cali Mahdi Max’ed oo ay sheegeen inuu ahaa mid meel ka dhac ku ah gooni isu taaga Somaliland.
Shalay ayay aheyd markii guddoomiyaha gudiga shirka dib u heshiisiinta Cali Mahdi Max’ed uu sheegay in dhamaamba 18-ka gobol ee dalka Soomaaliya ay u direen ergooyin soo xula dadka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Q
Golaha Guurtida Somaliland; markuu Arkay: Qodobadda 1aad, 34aad, 37aad, 38aad, 61aad, 127aad, 128aad, iyo 130aad, ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu Arkay: Go’aanadii dib ula soo noqoshada Madaxbannaanida Qarinamada Jamhuuriyadda Somaliland ee shirweynihii Burco ee 1991-kii, laguna ayidday shirweyneyaashii Boorama 1993, iyo Hargeysa ee 1997-kii.
Markuu Arkay: Natiijadii aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ee May 2001, laguna xaqiijiyey gooni-isu taagga iyo madax bannaanidii Jamhuuriyadda Somaliland.
Markuu Arkay: in
shir kasta oo
Somalia yeelato uu
ka horimanayo
go’aamadaa kor ku
sheegan.
Wuxuu Go’aamiyey
1- In cid alaale cidii ku abtirsata ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, dawlad iyo shiciba, afraad, ururo amaba axsaab, NGO-yada, aqoonyahannada, madax-dhaqameedyada, sugaanyahanada iyo dhammaanba noocyada ururada bulshada aanay sinaba uga qyab gali karin shir kasta iyo arrin kasta oo lagaga hadlayo hindiseyaasha Somalia ama lagu heshiisinayo dhinac ka mid ah kooxaha Somalia ama iyagoo isku dhanab.
2- In cid alaale cidii ku abtirsata Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qaybgasha shirarkaas ama abaabusha, ama ku taageerta sifo kasta (Sida Qowl, Ficil iyo Qoraalba) kaga qayb gasha wada hadalada Somalia ee qoddobkaas 1aad tilmaamayo loo aqoonsado Dambiile Khiyaamo Qaran, taas oo ay waajib ku tahay dhammaanba hayadaha ku sheqada leh in ay horkeenan Maxkamadaha awoodda u leh, iyadoo la raacayo xeerarka u tilmaamay dastuurka ee qoddobka 130aad faqradiisa 5aad.
3- Gaadiidka cir, dhul iyo baddba ee loo adeegsado ama qaada hawlgalkaas, waxaa laga qaadaya ruqsadaha sharciga ee ganacsiga ama tan gaar ahaaneedba.
4- Waxa lagula dhaqmayaa xeerkani cid allaale iyo ciddii isku dayda ama abuurta urur bulsho ama nooc kasta oo ururada rayidka ah oo shaqaynaya sidii ay Somaliland u minjo-xaabin lahaayeen.
5- Waxaa ka reeban dhammaanba warbaahinta Jamhuuriyadda Somaliland, tan xukuumadda iyo tan madaxbannaanba inay baahiyaan wararka iyo macluumaadka liddiga ku ah waxna loogu dhimayo ama lagu wiiqayo jirtaanka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
6- Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa sharci ahaan ka jia saddex gole qaran oo kaliya, sida ku tilmaaman dastuurka qaran. Sidaa awgeed, waxa reebban in cidina sheegato gole kale ciddii sheegata gole aan ahayn kuwa dastuurku tilmaamay waxa lagu fulin doonaa tallaabooyinka sharci ee u yaal sheegasho wax aanay ahayn.
7- Qofkii loo qabto in uu ku kacay qodobaddan kor ku xusan waxa la cafin karaa oo kaliya xukun maxkamadeed kadib.
Go’aankan waxa lagu
meel-mariyey cod-u-qaadis
Baarlamaan oo ay
oggolaadeen 84
mudane halka ay ka
diideen 2 mudane, 2
kalena ka aamuseen,
iyadoo ay madasha
fadhiyeen 88
xidlhibaan.
N.B
Dhaqangalka
qodobaddan waxa loo
adeegsanayaa sida ku
cad dastuurka
qodobka 130aad,
faqraddiisa 5aad.”

