HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Haweenka Jaaliyada Somaliland ee ku nool London (UK) oo deeq lacageed soo gaarsiiyey dad ku dhibaataysan Muqdisho

Deeq lacageed oo gaareysa $2600 (Labo kun iyo lix boqol oo Dollar) oo ay soo direen gabdhaha reer Somaliland ee ku Nool dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa waxaa saaka loo qeybiyey dad siyaabo kala duwan ugu dhibaateysan qeybo kala duwan oo ka tirsan magaaalada Muqdisho.

Deeqdaan oo la soo mariyey wakiilka Tv-ga Universal ee magaalada Muqdisho Axmed Cabdi Tooyo ayaa waxaa la kala gaarsiiyay Sacdiyo Aadan Yarow oo ah hooyada dhashay gabar kelyaha ka xanuunsan kaadida ka si deysa dhinaca afka laguna magacaabo Nasro C/rashiid Qaasim oo la soo gaarsiiyay lacag dhan $400 (Afar boqol oo Dollar) Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira isbitaalka Martiini ayaa iyana waxaa la gaarsiiyay lacag dhan $300 (Sadax boqol oo Dollar), iyadoo inta lacagtaasi ka soo hartay oo gaareysa $1900 (Kun iyo Sagaal boqol oo Dolar) la gaarsiiyay Deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka magalaada Muqdisho halkaasoo weli ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka barakacay dagaaladii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee dhexmaray ciidamada Itoobiya oo taageeraya kuwa dowladda federaalka iyo Xoogagii ka soo horjeeday ee laga adkaaday.

“Waxaan si aad ah ugu mahad celinayaa gabdhaha walaalaheen ah ee ku Nool Dalka Ingiriiska ee deeqdan noogu tabarucay, waxaana leeyahay ILLAAHAY ha idinka ajarsiiyo deeqdaasi aad soo na gaarsiiseen” ayuu yiri afhayeenka Naafada Xooga Dalka Soomaaliyeed Cabdi Mahad oo ka hadlayey munaasabad ka dhacay isbitaalka Martiini oo deeqdaasi lagu gudoonsiinayey.

.
“runtii aad baan uga farxay deeqdan, waana uga mahad celinayaa gabdhaha reer Somaliland e ma soo gaarsiiyey waxaana u rajaynayaa in illaah ka siiyo ajir fara badan” ayay tiri Sacdiyo Aadan Yarow oo ah hooyo Soomaaliyeed oo heysata gabar Soomaaliyeed oo xanuunsan dalkana waxba looga qaban waayey.
djiboutination


 

 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.