advertising
Afar ka Tirsan Ciidanka Dekeda Bosaaso Oo Xalay ku Geeriyooday Qarax Lala Beegsaday.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee qaraxa ay soo gaartay Ciidankii saarnaa gaariga dushiisa ,waxaana markii danbe Goobta uu qaraxa ka dhacay howlgalo ka fuliyay qaar ka mid ah saraakiisha amniga ee degmada.
Qaar ka mid dhaawacwayada Askarta ayaa la soo gaarsiiyay xalay goor danbe Cisbitalka sida gaarka ah loo leeyahay ee Puntland Hospital si xaaladooda caafimaad loo dabiibo.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo yeeray maamulka dowlada ,kaasi oo ku aadan qaraxyadan is dab jooga ah ee lala eeganayo Saraakiisha Boliska ee Bosaaso.
Amni xumada ka jirta magaalada Bosaaso ayaa inta badan waxaa dusha loo saarayaa Maamulka Gobolka oo lagu eedeeyay in uu wax ka qaban wayay shaqadii loo soo doortay.
advertising advertising