HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  
 

 
Dawo Aljazeera

Isku day la doonayo in Sh. Maxamed C/raxmaan Kaariye looga saaro Liiska “No Fly”.

Washington - Hay’adda u dooda xuquuqda dadka rayidka Mareykanka ee ACLU (American Civil Liberties Union), ayaa bilowday isku day ay dooneyso inay liiska dadka aan dhoofin ama ‘No Fly List’ looga saaro sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye.

Sheekh Maxamed ayaa ka mid ah culumaa’udiinka caanka ah ee Soomaaliyeed islamarkaana dacawada islaamka ka wada waqooyiga America.

30-kii June,Hay’ada ACLU ayaa xareysay dacwad ka dhan ah hay’adda dambi baarista Mareyakanka ee FBI iyo hay’adaha qaabilsan ka hortagga argagixisada Mareykanka, kuwaasi oo farta ku gudo dadka lagu daro liiska ‘No Fly’.

Waxa ay hay’adda u doodeysaa 10 qof oo kamid ah dadka laga xanibay inay diyaarad ku safraan ayey waana dacwadii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah xaraysay.

Sh. Maxamed C/raxmaan Kaariye oo dadkaasi ka mid ah ayaa ah Imaamka Masjidka Islamic Center of Portland, Masjed As-Saber – Oregon, USA ayaa xanibaadan kala kulmay daal aad u farabadan.

Sh. Maxamed ayaa liiska lagu daray, kadibna laga xanibay inuu diyaarad ku safro March 10, 2010 isagoo markaas u safrayey Dubai.

Xanibaadda dhinaca socdaalka ee la saaray Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye, ayaa ka hor istaagtay dano badan oo dacwada ku saabsan ama uu dhibadan kala kulmay inuu ka qayb qaato.

“Waxaan rajaynayaa inay liiska iga saaraan ama ugu yaraan ii sheegaan maxay tahay sababta aan ugu jiro” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Hay’adaha ka hor tagga argagixisada ayaa badanaa ku dara liiska ‘No Fly” dadka ay ku tuhmayaan falalka argagixisanimo, ayaga oo ka cabsi qaba inay qarxiyaan diyaaradaha, hase yeeshee ficiladooda ayaa loo arkaa kuwa ka bad badis ah, oo aan aad looga fiirsan.


 


 
 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.