2/14//2013
Boqor Raabi Yuusuf oo Maalintii Saddexaad Ku Xiran Hargeysa, Maxaa Loo Heystaa?
Boqor Raabi Yuusuf C/laahi Dakhare oo ah madax dhaqameedka beesha bariga Hargeysa ayaa maalintii saddexaad wuxuu ku xiran yahay saldhiga ciidamada baarista ee maamulka Somaliland ka dib markii ay Talaadadii ka qabteen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.
Boqor Raabi oo ah madaxa dhaqameed iyo ganacsade caan ah ayaa la sheegay inuu labo bilood ka hor safar ku tagay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaana ilo wareedyo ay ehel yihiin ay sheegeen in sababta xarigiisa ka dambeysa ay tahay “muxuu Muqdisho u tagay”.
Saraakiisha booliska iyo kuwa arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland kama hadlin xariga Boqor Raabi illaa hadda, hase yeeshee agaasimaha wasaaradda duulista ee maamulka Somaliland Axmed Dalal ayaa sheegay in waqtigii la xirayey Boqor Raabi uu la joogay isaga ayna ku wada jireen xafiiskiisa garoonka diyaaradaha.
Axmed Dalal wuxuu sheegay inuusan garaneyn sababta loo xiray Boqor Raabi oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga yaqaano beelaha Somaliland.
Boqor Raabi ayaa la sheegay inuu bilihii u dambeeyay socdaalo kala duwan uu ku maray wadamada Imaaraada, Kenya isagoo dhowaana tagay caasimada dalka ee Muqdisho halkaasoo aan la ogeyn sababta uu u tagay.
Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale weli xabsiga ku haya xildhibaan Jaamac Axmed Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda degmada Gabiley ka dib markii uu halkaasi u tagay inuu soo booqdo qoyskiisa toddobaadkii hore.
Use Facebook to Comment on this Post

