HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


               Somaliland cid gaari ma leh dadka degaanka ayey udaxaysa

Tariikhdu waa ma guurto  waana astaan taxane ah oo la kala dhaxlo, waana waayo aragnimo ururtey oo dadka wax garadka ahi ay ku cibro  qaatan, Qaladkii dhahacy baa la saxa  sii loogu googol xaadho jiilka soo korayaa inay isku hogamiyaan Maskax caafimad qabta.

Sidaas darteed haddaad tariikhda been ka sheegto ama aad abuurtao waxaan jirin adiga ayaa nusqaan isku geystey ee tariikhdu waxba umaad dhimin, waqti ay noqotaba qofba runta ka sheegi doona.

Tariikdii madoobayd ee ay  soo martey Warbahinta aduunku waa laga baxay  waxaa La sameeyey war baahiye yaal warka u soo turaya isagoo sugan marka u dhacayo  falka Laga waramaya (live) isla markana isagoo muqaal ah, Farxad iyo naxdin wuxuu yahayba . marka cidna laguma sirayo in war qalada loo soo gudbiyo.

 Haddaba iyadoo tiknoolajigu(technology)  halka u marayo ayeyna ku cibro qaadan ku  wargeysyadda qarkood waxayna weli wax u qoraan sidii Xidigta Oktoobar.

Inta aad Xumaan ama been aad qorayso waxaa haboon inaad qortaan  horumarka calamku gaadhay, dadka u sheeg xuquuqda ay wadankooga ku leyihiin iyo xuquuqda laga rabo iney dhawaraan, ruuxa wadaniga ahi marku barto sida sharciga loo ilaliyo ayuu fahmi kara in qofka mamulka haya inuu qaldan yahay  iyo inuu saxsan yahay.

Aduunyadu waxay u midoobayaan gobol gobol iyagoo is dhafsanaya qoloba  qolada  Kale waxay uga bahantahay waxa la samaysta heshiisyo nabadda  lagu ilaalinayo  layskuna tageerayo, boqolal kun ayaa malitii ka kala goosha xadadka yurub u dhexeeya, si nabadana u mushaxa, had iyo jeerna waxa lagu fikiraya sidii sahal looga sii dhigi laha inay dadku nabad ku wada dhaqman.

Haddaba an u soo noqdo dulucda maqaalkan oo ku socota  Haatuf News, 

Haatuf wuxuu ku can baxay inuu kolba qof  u   ku canbeereyo waxaan sal iyo Raad toona lahayn, qorayasha haatuf kama fikiraan  been abuurka ay wadaan inuu  abuuri karano fidmo ummadda u horseeda dhibaato iyo colaad.

Jamuhuriyadda  Djibouti iyo Somaliland  wax faraqa oo u dhexeya ma jiraan, tariikhda Hadii aad dib u raacda boqolal kun oo reer Djibouti ayaa degen Somaliland, dhinaca kale Djibouti iyo Somaliland  waxa weligoodba ka dhexeyey xidhiidh dhaqan iyo dhaqaleba Leh, xidhiidhkaasina wax haatuf u baabin karo ma aha.

 Haddaynu dib u tixraacno tariikhda Todobatanadii horantiisi (70’) markii xornimadda Djibouti la radinayey ayaa Isticmarkii fransiiska iyo Ethopia wxay ku doodayeen dadka reerDjibouti xornimo ma donayaan dhinaca kalena dawladdii somaliduna wxay ku  doodeysey Dadka reer Djibouti iney xaq u leeyihiin inay ayahooga ka taliyaan .

Doodaasi waxay noqotey mid adag xita wasiirkii Arimaha dibadda ee somaliya Cumar Carta Qalib Iyo wasiirkii Arimaha dibadda ee Ehopia Dood adag baa dhex martey oo ku dhawatey inay gacanta iskula tagaan.

markaas waxay UN iyo OAU u sareen gudi xaqiiq raadisa si loo xaqiijiyo arinta . haddaba su’ashu waxay tahay Gudidasi xageey xaqiiqda ka raadinayeen? Haddi aanad xusuusneyn gudidadaasi waxay Xaqiiqda ka radinayeen oo ay booqdeen Magalooyinka  Hargeysa, Arabsiyo, Gabiley ,Boorame, Saylac,  Lowyacado Iyo Djibouti. gudidaas  waxay la socdeen diyaradaha  qumatiga u kaca (helicopters) waxayn la kulmeen boqolaal kun oo dadka reer djiboutiya iyo boqlaal kun oo somalilanders oo walalhood la rabey ineyxornimo qaatan.

Runtiina malinta waxaan ku jirey guddi Djibouti la ga direy oo cadeynaysey Waraqaha (documents) ay wataan dadkaasi iney Run yihiin iyo inkale, waxayna waraqahaasi ahayeen waraaqo dhab ah oo mujinaya In dad reer Djibouti ay yihiin.

 Hadaan dhinaca kale ka eegno sideedatanadii(80’) markii dadka reer Somaliland  ay waqtiga Adag ku jireen  waxay Djibouti u ahayd gabod kumaanku reer Somaliland oo ka soo yacay dawladdii somaliyeed  mida kale waxaa xusuus mudan kumanku  dhalinyaro oo reer Djibouti ay ku jirey dagaalkii ay dadka reer Somaliland la galeen taliskii Siyaad bare ,Misaniyadii dadka reer Djibouti u ururinayeen Dagaalkaas ayaan iyaduna Mid la iloobi karin ah, haddaba marka Djibouti waxaas oo dhaqdhaqaaq ahi ka socdey Dawladda reer Djibouti wax talabo ah oo cadadiisa miyey samaysey ?

jawaabtu waa maya, waxa laga yaaba inaad  inaad dhacdooyin si qalada u dhacay aad  xusuusato Kuwaas oo aan badneyn lakiin waa inaad ogaata safaradii somalida ee Djibouti Joogtey misaniyad faro badan bay ku bixinaysa inay dadka reer Djibouti kala qaybiso .

Arinta dawladda Djibouti mawqif adag bay  iska tagtey inay dadka reer Somaliland badbadiso  iyago oo og culayska qaxootigu ku hayo nabad gelyadda Djibouti taana adiga ayaa iga markhatiya haddii aanad  indhaha iska qaadeyn  Waxaa tusaale kaga filan inaad wax ku qaadato culayska  ay ku hayaan Walaliheena konfureed ee ka soo barabaxay guryahoodi magalada Hargeysa.

Hadal iyo guntey haatuf waxaan leeyahay  qoralada aan micno faro badan sameyneyn ee colada aburaya joojiya, mida kale waa in lays xaq dhawra  oo xuquuqda jaarka la ilaaliya.

Somaliland cid gaari ihi ma leh ee dadka walaalaha ah bay u dhaxaysa ee  waa in laga ilaaliya inay dunto  mar labaad .

Wa Bilahi Tawfiiq

Read This Article

 *  The Delegation Left Las Anod with a lots of Promise to come.*

 Djiboutinaition Editor  Djibouti  editor@djiboutination.com

More News WWW.djiboutination .com

 

Rayiga Akhristaha


Anigoo ah mulkiilaha leh Askarmotors.com waxaan akhriyey qoraalkii aad ku 
canbaarayneyseen Haatuf news,anigu runtii maan arkin waxa ay qoreen waxaanse ka 
dhadhansaday cabashadiina inay taariikh khalad ah qoreen runtii jawaabta aad 
siiseen ayaan aad iyo aad u jecleystay,waa run dhamaan taariikhda aad ka 
warantay,dadka reer djibouti iyo somaliland waa dad walaalo ah oo ay dano badan 
oo gaar ahi ka dhaxeeyaan,waa dad isku tafiir ah,waa dad wada dhalasho iyo
dhiig  iyo dhaqanba ka dhexeeyo,markaa ha dhegeysanina wax uu inan yar oo aan 
taariikhda war u hayni soo malmaluuqay aad baadna ugu mahadsan tihiin jawaabta 
fiican ee aad siiseen,anigu waxaan ahay nin reer somaliland ah,weligey maan 
arkin Djibouti waxa keliyoon xasuustaa inuu adeerkay ku dhintay dagaaladii 
xoriyada loogu raadinayey Djibouti,taasaana iigu filan cadayn,waayo nina uma 
dagaalameen meel aan waxba ka gelin markaa walaalayaal reer djibouti xaal anagaa 
bixinay haday haatuf garan waayen inay yidhaahdaan khalad baanu qornay,mana
aha  wax ay la qabaan dadka reer somaliland markaa walaalayaal mar labaad xaal
qaata  ilaahayna ha ka dhigo Djibouti dal horumaray,dad wax qabsaday oo aanu 
dhamaantayo ku dayano,aamiin aamiin aamiin
Wabilaahi towfiiq
Abdi askar
AskarMotors@aol.com

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.