HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 
Gudoomiyaha Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo shaaciyay inay la mantaan noqdeen Urur  Suxufiyiin Qaran Soomaaliyeed!! Maxaa iska bedelay qadiyadii dalkaas.

 
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciisse oo loo yaqaan Shiine,ahna Gudoomiyaha xilligaan ee Wargeyska ku hadla Afka Xukumadda Somaliland ee Maandeeq ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday shaashada telefishinka Universal ee Caalamka oo dhan ay ka daawadaan Shacabka ku hadlo Af Soomaaliga .

Gudoomiye Mustafe Shiine oo uu ag fadhiyay nin dhalinyaro ah oo sheeganayay inuu yahay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ,ayaa ku dhawaaqay in Ururka Suxufiyiinta Somaliland metela ee SOLJA uu la mantaan noqday Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya kadib markii Ururka Suxufiyiinta Aduunka ee IFJ sheegay inuusan aqoonsaneyn Somaliland oo aqoonsan yahay Somalia,uuna wada shaqeyn la yeelan karo urur kasta oo hoosa taga urur ay aqoonsan yihiin oo lagu magacaabo National Union of Somali Journalists “ Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya”

“ Ururka Suxufiyiinta aduunka ee IFJ waxay noo sheegeen inay dal walba ka aqoonsan yihiin hal urur sidaas daraadeedna maadama aysan aqoonsaneyn Somaliland ay Soomaaliya ka aqoonsan yihiin NUSOJ oo ah ururka kaliya ee metela Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya ee aanu deriska nahay,sidaas daraadeed ,waxaan laga bilaabo maanta Urur ahaan la mantaan noqonay Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya”ayuu yiri Gudoomiyaha Somaliland Journalists Associated { SOLJA}ninka lagu magacaabo Mustafe Cabdi Ciisse ,oo dhinaca kale qaab la mida guulwadayaashii Kacaankii Maxamed Siyaad Barre u difaacayay warar ay qoreen Wargeysyadda Somaliland oo lagu sheegay in urur metelaya Suxufiyiinta Qaranka Somaliya,sharci ahaana hoos taga Wasaaradda Warfaafinta ee DFKMG ay seminaaro iyo tababaro ku qabanayaan Hargeysa.

Mustafe Shiine oo ay hadalkiisa ka caroodeen xubno badan oo ka tirsan ururka uu Gudoomiyaha ka yahay ee SOLJA wuxuu aflagaadeeyay Warbaahintii faafisay in ururkaas uu hoostago Wasaaradda Dowlada Cabdilahi Yusuf,wuxuuna ku sifeeyay kuwa aan Saxaafad waxba ka aqoon oo iska sheegta.

Hadalka Mustafe Shiine ayaa wuxuu shaki badan geliyay Shacabka Somalia iyo Somaliland waxayna badankood qabaan in qadiyadii Somaliland ee madaxbanaanideeda wax iska bedeleen oo ay ka soo dabacday moowqifkii ay taagneed 16-ka sano maadama Gudoomiyaha Suxufiyiintooda ,ahna Tifaftiraha iyo Gudoomiyaha Wargeyska codka dowlada ku hadlo ee Maandeeq uu Warbaahinta ka sheegay inay hoos tageen Qaranka Soomaaliya urur metelaya oo wato magac ahaan.

“Somaliland hadii ay aqoonsato ama mantaan la noqoto urur wata magac Qaran Soomaaliyeed waxay u macna tahay inay aqoonsan tahay dowlada federalka ,waayoo Qaran kale Soomaaliya kama jiro,Dowlada Mbaghati ma aqoonsana Somaliland sidaas daraadeed ma jirto sabab Somaliland ku aqoonsan karto Dowlad ka jirta Soomaaliya,wuxuuna ururkaas la mid yahay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya”sidaas waxaa ku waramay Suxufi ka tirsan Wariyaasha ugu da’da wayn Soomaaliland.

Si kastaba ha ahaatee,Xukumada Somaliland ayaan wax wara ka soo saarin heshiiska la yaabka leh ee Somaliland Journalists Association ay ku hoos tageen ama isugu lamaaniyeen National Union Of Somali Journalists.

Khudbada Mustafe Shiine oo muuqaal ah ka daawo Universal kadibna ka soo dhiibo fikirkaada ,

Mohamed Omar Hassan

Stockholm.Sweden

Mohhassan@hotmail.com

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.