HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 


 

Mogadishu 03, August 07 Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Xaaji Cali Fiidoow ayaa caawa salaadii ceshaha ka dib kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka guriugiisa ee isgoyska 4ta Jardiin ee magaalada Muqdisho.

Sida ay shabelle u sheegeen dad goobjoogayaal ah, marxuumka ayaa kooxo aan la garaneyn wax ay rasaas kula beegsadeen agagaarka gurigiisa xilli uu ka soo baxay salaadii ceshaha.

Marxuumka ayaa isagoo dhaawac ah laga qaaday halkaasi, waxaana uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Kooxaha falkaan dilka ah geystay ayaa waxa ay wateen gaari Hoomeey ah, waxaana la sheegay in ay u gargaraaceen guriga xilli uu guddoomiyaha ka soo baxay salaadii ceshaha.

Sidoo kale rasaastii lala beegsaday guddoomyaha ayaa waxaa ku dhintey nin kale oo rayid ah halka mid kalena uu ku dhaawacmay sida ay ku waramayaan Goobjoogayaal.

Goobjoogayaasha ayaa waxa ay intaasi ku dareen in dhacdadani ka dib kooxo kale burcad ah ay boobeen dukaan ku yaala halka uu falku ka dhacay.

Waa guddoomiyihii labaad ee degmada Yaaqshiid oo shirqool ceenkaan oo kale ah lagu dilo, iyadoo kal hore Muxudiin Xasan Xaaji oo ka horreeyay Marxuumkaan horey loo dilay.

Dhowaan ayay aheyd markii K/xigeenkii degmada Yaaqshiid Nuur Cilmi ay toogasho ku dileen kooxo aan la garaneyn

 

Askari ka tirsan ciidamada Militariga dowladda KMG ah ee Somalia ayaa caawa fiidkii lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Sida uu shabelle u xaqiijiyay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee degmada Afgooye Col. Ibraahim Isaaq, kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay askarigan xilli uu marayay gudaha degmada Afgooye.

Askarigaan la dilay ayaa sida la sheegay aanu wadan dareeska ciidamada, waxaana xilligaasi uu ku jirey fasax sida uu sheegay Taliyaha.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in rasaastii lala beegsaday askarigasi uu ku dhaawacmay wiil rayid ah, isagoo sheegay in ay wadaan baaritano ku aadan arintaan.

" Ciidamo ayaynu u kala dirnay xaafadaha degmada afgooye si ay u sameeyaan baaritaano" ayuu yiri Col. Cali Ibraahim isaaq.

Ma ahan markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilo degmada Afgooye.
 

 

 

 


 

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.