Cigaal internationa airport
oo bilaabey inuu habeenkii
shaqeeyo
wasiirka duulista iyo hawada
md cali maxamed warancade oo
arintaa shaaca ka qaadey
Waxa
habeenkii xalay abaaro 7:00
fiidnimo markii ugu horeysay
dhabada diyaaraduhu ka
haadaan ee Magaalada
Hargeysa ka duushay diyaarad
nooceedu yahay Fokar oo ay
leedahay Shirkada Ethiopian
Airline, taas oo rakaab ka
qaaday Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Duulista iyo Hawada
iyo gadiidka Cirka Cali
Maxamed Waran-cadde ayaa
xalay munaasibad uu ka
qeybgalay ka sheegay inay ku
guuleysteen inay xalay
Diyaaradii ugu horeysay goor
habeenimo ah ka duushay
Madaarka Egal International
ee Magaalada Hargeysa, taas
oo aan Waligeed lagu arag
taariikhda Madaarka Hargeysa
diyaarad xili habeenimo ah
ka duuleysa aa ku dageysa
Madaarka Hargeysa.
Mr. Waran cadde oo muddo
sanad ah hayey xilka
Wasiirka Duulista iyo hawada
ayaa dedaal ugu jiraa sidii
uu u horumarin lahaa
Madaarka Caasimada, waxaanu
intii uu joogay u suurta
gashay inuu wax badan ka
qabto dayac fara badan oo ka
muuqday.

