HOME QURAN CONTACT US HEESO ARCHIVES  
AllPuntland
Allwadani
Aftahan
Allsomali.com
AllDalka
Awdelnews
Boondheere
Ceelbuurnet
Dayniile
Dulmane.com
DjiboutNet
Hadhwanaag
Hiiraan
Jijigawe
Kilili 5aad
Lughaya
Rdio Golis
Radio Hargeysa
Somalilandnet
Somali Weyn
Waaga Cusub
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  


  1/12/20213

Qarax Bambaano Oo Xalay Lagu Weeraray Xero Barakacayaal

Qaraxa oo ahaa bam gacmeed ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Tarabuunka ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir waxaana qaraxaas ku nafwaayey 1 ruux oo rayid ah waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 3 kale oo la sheegay in in dadkaasi oo ahaa Barakacayaa ku sugan degmada hodan ayaa xiligaa ku sugnaa buush ay ka daganaayeen Tarabuunka.

Qaar kamid ah dadka ehelada la ah dadkii ku dhintay qaraxaas oo saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyey sida ay wax uga dheceen Barakacayaasha kuyaala Tarabuunka waxayna sheegeen in rag hubeysan ay weerar bambo kusoo qaadeen askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo goobta marayey waxayna intaa ku dareen inaan wax dhibaato ah aysan kasoo gaarin weerarkaas ciidankii lala bartilmaameedsaday waxayna tilmaameen in dhibaatadu ay ku koobantahay shacabkii danyarta ahaa ee ku dhaqnaa xeryaha barakacayaasha Tarabuunka.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxaas ayaa waxaa loola cararay cisbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho waxaana la sheegayaa in dhaawacyada dadkani ay yihiin kuwo halis ah oo uu si daran u waxyeeleeyey qaraxaas, dadka ku dhaqan Barakacayaasha deegaanka Tarabuunka ayaa ka codsaday dowlada Soomaaliya in amaanka barakacayaasha la sugo waxayna ku cawdeen iney awal haysata nolo xumo hadii ay amaan darro loogu darane ay asan u dulqaadan karin.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay xiliyadii ugu danbeeyey mar ka laga reebo mararka qaar oo ay ka dhacaan falal lidi ku ah amniga balse waxaa ka socda magaalada Muqdisho hawlgalo ay xili kasta sameynayaa ciidamada Dowlada Soomaaliya oo dadaal adag ugu jira xaqiijinta amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.


Use Facebook to Comment on this Post

 


 

 

 ©2007 Djiboutination web design. All Rights Reserved.